Berbera Ilaa Istanbul: Mahadhooyinka Socdaalkii Waftiga Somaliland Ee Turkiga.

Qalinkii Muniir Axmed Cigaal. (Qaybtii 1-aad)

Socdaalka iyo safarku waa qaybo kamid ah waxyaabaha rabbi ku lamaneeyay Nolosha aadamaha, wuxuuna ugu sakhiray si ay wajibaadkooda nololeed ugu gutaan. Waxaan qalinka u qaatay inaan qormooyin kooban ka xuso, musawirkii safar aanu ku tagnay waddanka Turkiga, halkaas oo ay ka dhacayeen shirkii wadahadalka ee u socday waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaynu qormooyin keenan ku xisi doonaa, jawagii safarka, hab-maamuskii waftiga lagu qaabilaayay, qaabkii ay u dhacayeen shirarkii wadahadalku, dareenkii ay kala kulmeen waftigii dhigooda ahaa ee dalka Soomaaliya, dareenkoodu wadaniyadeed, diidmadii ajandaha ee labada dhinac iyo doolaaladii dawladda Turkiga.

Maalin Jimce ah bishuna ahayd 5/7/2013, wakhti aroor hore ah ayaanu kalahaad kaga jarmaadnay Magaaladda Hargaysa, waftiga Somaliland ee socdaalka u baxaayay waxay ka koobnayeen, Wasiirka Waaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ahaa madaxa waftiga, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan, Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Guddoomiye ku-xigeenka kobaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali, Guddoomiyaha guddi hosaadka arrimaha dibadda ee golaha Wakiiladda, Xuseen Axmed Cige, Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire). Waxaa intaas wehelinaayay Saddex Suxufi oo kala ahaa, Muniir Axmed Cigaal iyo Maxamed Caqli Haadi, oo ka socday Telefeeshinka Qaranka Somaliland, iyo Wariye Cali Axmed Raabi (Cali Seenyo) oo ka socday Tv’ga HCTV.

Magaaladda Berbera ayaanu barqadii gaadhnay, isla waxyar kadibna waxaanu ka anbabaxnay garoonka diyaaradaha ee Magaaladaas, duhurkii wakhtiga Addis-ababa ayaanu ka degnay Caasimadda Itoobiya, Markaanu garoonka cagaha soo dhignay waxaa nagu sugaayay diyaarada hoosteeda sarakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana naloo galbiyay dhinaca nasashada Madaarka ee VIP-da. Arrinta runtii xasuusta mudan hadaynu halkaas ku yara hakano ayaa ahayd, sheekooyinka iyo kaftanka aan dhammaadka lahayn ee uu alle hibada u siiyay Guddoomiye Ku-xigeenka kobaad ee golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax, oo intii ay waftigu ku sugnaayeen qolka nasashada, waxaa si weyn isha iyo dhegta dhammaan waftigu ula socdeen hawraarta iyo hadalada Guddoomiye Baashe, taasoo keentay in haddii la waydiin laha xubnaha waftiga xiligay garoonka ku sugnayeen, aan hubo in aanay jirin cid sheegi kartaa, waxaana wakhtiga yaraynaayay sidaan sheegay kaftanada Guddoomiyaha, cabaar kadib oo qofkasta nastay waxaa waftiga loo galbiyay Huteelka Ambassador, halkaas oo ay ku sugayeen wakhtiga duulimaadka diyaarada.

Isla habeenkii Jimcaha oo Sabti soo galayso goor ay sacaada Geeska Afrika ku beegantahay 3;00am, (Subaxnimo) ayaanu ka duulnay Magaaladda Addis-ababa, muddo shansacadood ah kaadib waxaanu gaadhnay Magaaladda Qadiimka ah ee Istanbul, oo ahayd goobta gebo gebada geediga socdaalkayaga. Markaanu garoonka ka soo degaynay waxaa maskaxdayda ku jirtay, waxaa laydiin soo dirayaa, gaadhi nooca baska loo yaqaan iyo mid ama laba qof oo idinku haga goobta Huteelka aad degaysaan. Balse sheekadu sidaan u haystay mid ka duwan ayay noqotay, waxaa garoonka diyaaraha Istanbuul ku sii diyaarsanaa, Madax ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda, Xoghayaha bariga Afrika ee dawladda Turkiga, Ciidamo Boolis ah oo wata gawaadhida gashaaman, kuwaas oo gaadhaayay lix baabuur iyo Mootooyin, Basaska loogu tallo galay wufuuda oo aad u tiro badnaa. Runtii Waftiga Somaliland oo heer Wasiiro iyo Guddoomiyayaal ahaa, waxay Xukuumadda Turkigu u qaabishay heer caalamiya oo aan markaas niyadayda ku jirin.

Lasoco Qaybaha Danbe Oo Xiiso Leh.

Muniir Axmed Cigaal

Hargaysa. Email; muniir10@gmail.com