Laba Gole Oo Muuqooda Iyo Midabkooda Aan La Kala Garan?

waxaynu ogeyn gole sharci darro 15kii bisha Julay 2013, lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa Golahaasi oo ah Odaaal is cumaamaday kaligood oo ku sheegay Golaah Wada tashiga iyo Toosinata.

Waa niman iyo siyaasiyiin intooda badani u soo badheedhay inay dhawaan dimuqraadiyadda iyo nidaamkii dawladnimo oo ah haynta kaliya ee shacbiga reer Somaliland indhaha ku hayaan inay ilaashadaan ku dhawaaqista Golahan Sharci Darrada ah ayaa dadweynaha si weyn ugu faaqidayeen goobaha barkulanka.

Dadweynaha iyo ra’yulcaamka badidiisa ayaa si weyn uga soo horjeeday in dalayaashan is baheystay ee fool oo rayiga gole ku sheegaan in xidhiidh dhow oo taxani ka dhaxeeyo golaha badbaada Soomaaliyeed oo 17-kii bisha July lagaga dhawaaqay Hotel Regend ee magaalada Nayroobi.

Dadka doodan qaba ayaa fikirkooda ku saleysnaaya in labadan gole ay wadaagan iskana mid yihiin in labada goleba siyaasiyiinta ku midowday ay yihiin nimaankii ku guuldareystay saxada siyaasada ee sida tooska uga siibtay salaanka, dhawaaqan gole ku sheegaan odayaashani isu baheystay iskuna keentay saarka iyo jibaha madaxnimo, ee labahooda bariinsaday.

Ku dhawaaqida gole la tashiga iyo toosinta isku magacaabay ayaaney ilaa hadda shacbigu fahmin ujeedada iyo gole ka fuulkan aan loo meeldaynin majarihiisa waxaa uu daaran yahay.

Waa laba muuqaal iyo midab aan la kala garani waa laba ay dadweynuhu isku shaambad ugu suntaan iyagoo u sibir saaraya qaarda jeexa iyo shaacinta mujoxaabintooda gole ku sheegooda oo laba maalin uun kala dambeeyay, si kastaba ha ahaatee, indheergaraadka aqoonyahan, goleyaasha sharci ayaa maalmihii u danbeeyay dhawaaqista isku mido oo caqli eelin ah ujeediyay nimankaasi odayaashaasi ee soo dhigay mashaaqada iyo gole ka fuul baalmarsan sharciyada.

Iyadoo siyaasiyiintani ay xukuumadduba dhawrayso maalmihii hore ugu suntana, iyadoo si mug leh ugu hogatusaaleysay dariiqa saxda ee ay kaga jibo keeni karaan ahdaaftooda ay si faan oo ah inay isugu biyo shubtaan axsaabta siyaasada ee saddexda xisbi Qaran ee sharciga ah.

Sidoo kale faqidayaal badan oo xisbiga UCID iyo taageerayaal ayaa iyaguna walaac ka qaba gudoomiyaha xisbiga UCID inay arrintani gole ku sheega ee uu cumaamadiisa dhigtay xilligan ay tahay fashil uu isagu gacmihiisa boqonta isugu jaray iyo waa cusub oo uu baryey Jamaal Cali Xuseen iyo inta kale ee hanka leh ee xisbiga UCID.

Waxaa xilligan si taban loo sugayaa tanaasul dhaba in golahaasi is magacaabay bulshada ka siiyo iyo inay ka noqdaan fikirkaasi qaldan ee ay ku dhawaaqeen.

Sacad Cabdi Muxumed Xarbi