Hawl-wadeeno caafimaad oo cabasho ka muujiyay lacagtii tallaalka oo aan la siin

Hargeysa(Somaliland.Org)-350 hawl-wadeen oo ka mid ahaa Kooxihii fuliyay Talaalka Cudurka dabaysha oo todobaadkan la soo gabagabayeeyay, ayaa ka cabanaya lacagtii loogu talo galay oo aan ilaa hada la siin. Ololahan Cudurka dabaysha oo laga fuliyay dhamaan lixda Gobol ee Somaliland todobaadkii hore, ayaa waxa ka qayb-qaatay kumanaan qof oo ah Hawl-wadeeno Caafimaad iyo kuwo si […]

Cismaan Hindi Oo Si Adag U difaacay Wasiirka madaxtooyadda

“Dadku waxay is weydiinayaan Muuse Biixi ma muxaafid baa mise waa mucaarad isagoo Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE ah”

“Wasiir Xirsi waa nin dhalinyaro ah oo mustaqabal siyaasadeed leh Oo La Xag-xaganayo”

“Siyaasadda dibadda iyo qaranimada Somaliland in laga midaysnaado cid laga baryayaa ma jirto, waana waajibaad dastuurka Somaliland jideeyey in laga midaysnaado”

Barclays Bank Muxuu ka Yaqaanaa Dahabshiil?

Dhaqaalaha dunidu waxa uu ku salaysan yahay dal wabilba sida uu wax-soo-saarkiisu yahay oo salka ku haysa xagga aqoonta bulshadaasi leedahay iyo ganacsiga furfuran ee xorta ah. Soomaaliya waxay ka mid ahayd waddamadii Afrika ee dhaqaalaha fiican haystay ka hor intii aanay burburin dawladdii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare hoggaaminayey. Waxyaabaha ugu badan ee ay ka soo xaroon jireen ilaha dhaqaaluhuna waxa ka mid ahaa xoolaha nool iyo wax-soo-saarkii beeraha oo meel fiican marayey.

Dalxiiseyaal Majeertay Nabad-geyladda Somaliland

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Dalxiisayaal u dhashay Dalka Poland oo mudooyinkanba ku sugnaa Somaliland ayaa maanta warbaahinta maxalliga ah kula hadlay xarunta wasaaradda Ciyaaraha ee magaalada Hargaysa, waxana ay sheegeen inay Somaliland jiritaankeeda iyo nabadgelyadeedaba ka ogaadeen barta xidhiidhka bulshada ee FACE-BOOK-ga. Dalxiisayaashan oo tiradoodu dhan tahay sadex haween ah ayaa waxa ay cadeeyeen in tan iyo markii […]

“Xilliyadii Xurgufuhu Dalka Ka Dhaceen Waxaan Ahaa Buundo Dadka Isu Soo Dhaweeya”

Md. Cali Warancadde oo la weydiiyay waxyaabaha ka horyimi xukuumaddii uu C/Raxmaan Axmed Cali madaxweynaha ka ahaa iyo doorkii uu qaatay hagaajinta maamulka dawladnimo ayaa ugu horreyn dhaqdhaqaaqii SNM ku bogaadiyay halgankii naf-hurka ahaa ee ay aayaha ummadda ku badbaadiyeen, waxa kale oo xusay duruufo laga garaabi karo oo hagardaamo ku noqday socodsiinta hannaankii dawladnimo ee Somaliland, gaar ahaanna in hawshii adkayd ee dalka lagu xoreeyay darteed ay suurtogal u noqon weyday in la habeeyo ciidamadii halgameyaasha ahaa ee baacsaday taliskii dalka ku amar ku-taaglaynayay