Shir Iskaashi oo Hargeysa Uga Furmay Maayarrada Dalka

Hargaysa (Somaliland.Org): Maayarrada magaalooyinka Somaliland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta dawlada hoose ee magaalada Hargeysa, kulankan oo uu guddoominayay maayarka caasimada Hargeysa Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa waxa ay maayarradu kaga wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen hawlaha horumarineed ee degmooyinka, wax wada qabsina u yeelan lahaayeen.

Maayarka Lughaya Oo Ka Dayriyay Nolosha deegamo ku yaalada Degmadaasi

Boorame (Somaliland.Org)-Masuuliyiinta degmada Lughaya ayaa socdaal qaatay mudo 15 maalmood ah ku maray inta u dhaxaysa xuduudaha degmada ee dhinaca cadceed soobaxa xeebta ilaa dacalka cadceed dhaca ee buuralayda, socdaalkan u kuur-galka nolosha degaanka ah ayaa waxa hogaaminayay Maayarka degmada Lughaya Md. Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood waxana ku wehelinayay xoghayaha degamada Lughaya Cabdi Xirsi Muuse, Agaasime waaxeedyo dawlada degaanka Lughaya ah iyo Xildhibaano ka tiran golaha degaanka ee degmadaas.

Hay’adda Wadaniga Ah Ee GAVO iyo DRC Oo Munaasibad U Sameeyey 24 Arday Oo Dhammaystay Xirfado

Hargaysa(Somaliland.Org):- Hay’adda wadaniga ah ee GAVO ayaa Munaasibad sagootin ah u samaysay 24 Arday oo Mudo lix bilood ah baranaayey Xirfado kala duwan, kuwaasoo loo raaciyey tuulalkii ay ku dabari lahaayeen shaqooyinka ay barteen. Munaasibadan oo si bilan looga soo shaqeeyey ayaa lagu qabtay Hotel Shiraacle ee Caasimadda Hargaysa, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka shaqada […]

Waxgaradka Koonfurta Hargeysa Oo Xaflad Balaadhan Ku soo dhaweeyay Wasiirrada cusub

Hargeysa (Somaliland.Org)Xaflad ballaadhan oo hadhimo sharafeed ahayd, laguna soo dhaweynayay Wasiirrada cusub ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo xilka u magacaabay, kuwaas oo uu hoggaaminaayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargaysa. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Koonfurta Hargaysa.

Xasan Daahir Aways Oo Ka Degay Magaaladda Muqdisho

MUQDISHO (Somaliland.Org)- Waxa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya gaadhay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Xasan Daahir ayaa waxaa Muqdisho geystay diyaarad ka soo qaadday Cadaado.

QIIMEYN GUUD TARTANKII CIYAARAHA-3?

Waxa inaga soo dhexgashay qiimeyntan ooy ahayd inaan mar hore sameeyo damaashadkii iyo mashxaradii cadada inoo ahayd kolka cid cusub la magacaabo. Waa dabeecad wacan oo soo dhoweynta ayeynu can ku nahay. Haddaba aan toos u abaaro ciyaarihii goballada iyo waxii dhacay iyo sidaan u arkay.

“Maamulka Puntland wuxuu doonayaa inay Doorasho ka Hirgeliyaan Badhan iyo Dhahar, taasina..”

Badhan(Somaliland.Org)-DawlaDda Somaliland ayaa markii labaad Degmada Dhahar shalay dib uga caydhisay Saraakiil ka socda Xafiiska Doorashooyinka Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe oo halkaasi u yimi inay tababaro siiyaan shaqaale loogu talLo-galay inay ka shaqeeyaan Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland oo Maamulka Faroole Doonayay inuu ka hirgeliyo deegaamadda Bariga Sanaag ee Somaliland.Ciidanka Bilayska oo kaashanaya Ciidanka Qaranka Aaga Gobolka Badhan, ayaa Magaalada Dhahar ka saareen Saraakiishaasi oo laba maalmood ka horna sidan oo kale looga hor-istaagay Degmada Badhan ee xarunta Gobolka Badhan.

Wasiir Cukuse Oo Tacsi u Diray Xildhibaan Sisto Oo Aabihii Ku Geeriyooday Hargeysa

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, wacyi-gelinta iyo dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu tacsi u Dirayaa Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane (SISTO) oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Aabbihii MARXUUM AADAN HABANE. Oo ku geeriyooday Hargeysa 28/06/2013. Sidoo kale wasiirku waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, […]