Gudoomiyaha KULMIYE Kulankiisii Madaxda Magaalada Seatac Washington USA

Hargeysa (Somaliland.Org)-Waxa magaalada Seattle ee gobolka Washington ku sugan wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,waftigan uu hogaaminayo gudoomiyuhu ayaa ka kooban Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee Washington-DC Mudane Xaashi Ismaaciil iyo Samiir oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Qaranka.

Somaliland Iyo Ingiriiska Oo kala saxeexday Heshiis

Adis-baba (Somaliland.Org):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa shalay si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa, heshiis ka kooban laba qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.

Samata-baxaygii 31/Mey/1988-kii, W/Q Siciid Gahayr?

Hugunka iyo hanqadhka rasaas ay nacabka iyo nasteexa naf-hurka ahi is-weydaarsanayeen ayaa hiirtii 31/Mey/1988-kii nagu hadheeyay Hargeysa, waxa nagaga sii darnaa duqaynta aan loo aabbo-yeelin ee ay diyaaraduhu sida darandoorriga ah ugu garaacayeen maatidii geyiga. Waanu sigannay oo qaar ka mid ah faliidhadii la ganayay ayaa dacal illaa dacal uga baxay gurigii aannu deggenayn, baadhistii […]

Wasiirka Caafimaadka oo dalka ku soo laabtay isagoo wada dhakhaatiir Kenyan ah

Berbera (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) oo ay Weheliyaan Dhakhaatiir ka tirsan Wadanka Kenya ayaa maanta dalka yimid kana soo degay Gegida diyaaradaha ee Madaarka Magaalada Berbera isagoo wada koox dhakhaatiir ah oo qaliino lacag la’aan ah ka fulin doona cisbitaalka guud ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer.

Soo Dhaweyntii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Seattle USA

USA (Somaliland.Org)-Waxa shalay oo taariikhdu tahay May 29, 2013 lagu soo dhaweeyey garoonka caalamiga ah ee Seatac airport Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muse Biixi Cabdi. Gudoomiyaha waxa gegada diyaaradaha ee Seatac kaga hortegey dad farabadan oo jaaliyada Soomaaliland ee gobolka Washington ah, iyo dad kale oo ka kalayimid gobolada Oregon, California, Ohio, Minnesota iwm.

Beesha Xawaadle oo Shaacisay inay kalsoonidii kala Noqdeen Dawladda Muqdisho

Baladweyne (Somaliland.Org)-Kulan xasaasi ah oo maanta ay ku yeesheen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda beesha Xawaadle ee Hawiye ayaa laga sheegay in beesha kalsoonidii kala noqtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo eedeyn balaadhan u jeediyay Wasiirrka wasaarrada Arrimaha gudaha ee dawladda Muqdisho C/kariiin Xusseen Guuleed.

Madaxweynaha Somaliland Oo ka Qeyb galay 10 Guuradda Aasaaskii Telefishanka HCTV

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirgudoonka Goleyaasha baarlamaanka Iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabta qaranka ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo loogu dabaal degayay sanad guuradda 10-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

HCTV iyo hanashadda shacabku waa dhexdhexaadnimo.

Waxaan ugu horayn aad ugu hanbalyeynayaa TVga caankaa ee Somaliland laga leeyahay ee HCTV oo si mug weyn uga hawl- galla dhamaan wadamadda caalamka oo dhan sidda Yurub, Africa, America, Aasiya iyo Ustareeliya oo maanta ay xuskiisii tahay sanad guuraddii 10aad ee ka soo wareegtey wakhtiggii dhidibadda loo taagey ee mulkiilaha Tvga Mudane Farxaan Xaaji Cali uu la gole yimid dadaal iyo aragti weyn oo lagu unkay HCTV si dhaba.

Laba Qof oo Ku Geeriyooday Ceel-biyood ku yaala Deegaanka Xaraf

Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee waxa habeen hore ku geeriyooday deegaanka Xaraf Ibraahim Yuusuf Qodax iyo Maxamed Aw-cali Guuleed, kuwaasoo ceel biyoodku yaala deegaankaasi uu sababay dhimashadooda. Wiilashan ayaa la sheegay inay abbaaro sagaalkii habeenimo, iyagoo ka dhaaminaya ceel-biyoodka sababay dhimashadooda, isla markaana ay ku neef qabatimoobeen gudaha ceelka. Ceel-biyoodkan ay labada marxuum ku […]

OGAYSIIS OGAYSIIS

Shirkadda East Africa Star Agrovet Company waxay ugu bushaaraynaysaa dhammaan bulshadda Somaliland ee ku dhaqan gobolada dalka oo dhan inay kuu keentay dawooyinka xoolaha Veridium 1gr iyo Veridium 125mgr.