Xildhibaano Raali-gelin ka Bixiyay Eedo Loo Jeediyay Madaxweyne Ku xigeenka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Sadex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha lagu qeybiyay deeqdii raashinka ahayd ee Turkiga lagu saleeyay lixdii gobol ee hore, gobolada cusubna la raaciyay gobolka ay hore uga tirsanaayeen. Waxaanay xaal ka bixiyeen odayaal ka soo jeeda gobolka Gabiley oo eedo u jeediyay Madaxweyne Ku xigeenka JSL.

Tv-ga Qaranku Wuu Tabaalo-baxay Oo Talaabsaday

Telefishanka qaranka Somaliland (SLNTV) waxa uu bilihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin waaweyn oo ay dib u qaabayn ku sameeyeen tayada barnaamijyada ka baxa Telefishanka qaranka oo xiligan ay si joogto ah ugu xidhan yihiin dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisuba.

TACSI

Maxamed Xasan Cabdi (Maxamed-Addis), Cumar Daa’ud Axmed, Ismaciil Maxamed Axmed, Sacad Jibriil Axmed, C/Laahi Maxamed Faarax, Sacad C/Raxman Maxamud Food-Cadde, Maxamed Cali Mataan, C/Raxmaan Muxumed Guuleed, C/Risaaq Muuse Xasan, Maxamed Xasan Cabdi, Axmed Ibraahim Qalinle, Maxamed Daahir Axmed Dhamaan Bahda Shabakadda Carroog.com iyo Wargeyska Xogogaal waxay tacsi u dirayaan Gudoomiyaha wargeyska Xogogaal Cabdi Abokor Siciid […]

Deeqdii Raashinka ahayd ee Turkiga oo la gaadhsiiyay Sool, Awdal iyo Saraar

Hargaysa (Somaliland.Org)- Maamulka gobolka Sool ayaa shalay la wareegay rashikii deeqda aha ee ay dawlada Turkigu ugu deeqday Somaliland qaybta loogu talo galay gobolkaasi, raashinkaasi oo dhan shan boqol oo tan oo isugu jira Bariis iyo Daqiiq. Waxaana raashinkaasi caawimada ah kala wareegay masuuliyiintii siday oo ka socday wasaaradda dib u dejinta iyo xafiiska sama-falka, […]

Murashaxa Madaxweynaha UCID Oo Cambaareeyay Muddo Kordhinta Golaha Wakiiladda Somaliland

Hargeysa(Somaliland.Org):- Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku tilmaamay muddo kordhintii Golayaasha Barlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) isu kordhiyeen muddada xilka mid khaldan oo afduub ku ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland ka hanno-qaaday, isla markaana waxa uu sheegay inay ahayd qorshe ay Golayaasha iyo Xukuumaddu hore ugu soo heshiiyeen.

“Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”[Qaybtii III-aad]

Gebagebadii Qaybtii 2-aad ee maqaalkan taxanaha ah waxaan ku soo sheegnay inuu M/weynaha Jam. Somaliland dib u qiimayn ku sameeyey guud ahaanba qaabka iyo hannaanka Siyaasadda Arr. Dibedda iyo xidhiidhka beesha caalamka ee xukuumadihii isaga ka horreeyey ay kula dhaqmi jireen bulshada caalamka. Qiimayntaa kaddib, Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aan satay in la dejiyo Qorshe Qaran oo ku wajahan Siyaasadda Arr. Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, kaasoo hagaya si cadna uga tarjumaya baahiyaha Qaranka Somaliland ee xidhiidhka iyo iskaashiga beesha caalamka.