Wasiirka Caafimaadka oo Hargeysa ka furay Ololaha Talaalka Dabaysha

Hargaysa (Somaliland.Org): Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa maanta ka furay huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa, ololaha talaalaka la dagaalanka cudurka dabaysha oo dalka ka bilaabmay.

Waxaana munaasibada furitaanka ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada caafimaadka, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, masuuliyiinka socday wasaarada diinta iyo awqaafta iyo madax ka kala socotay hay’adaha M.H.O iyo Unicef.

Wasiirka caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamed Xoog halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in kooxaha talaalku u baxayaan sidii ay u cidhibtiri lahaayeen cudurka dabaysha ee carruurta nafeeya.

Wasiir Xoog ayaa u mahad-naqay labada hay’adood ee WHO iyo Unicef, kuwaasi oo uu sheegay in ay door muhiim ah ka qaataan sidii loo fulin lahaa barnaamijka ololaha talaalka isla markaana ay gacan ka gaystaan dhaqaalaha lagu hawlgalayo ee talaalka cudurka dabaysha.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Garaad oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshadu ku dhisan tahay qodob dastuuriya, kaasi oo dhigaya in shaqada ay qabato ay ka mid tahay dumarka iyo carruurta iyo naafada.

waxaanu wasiirku tilmaamay faa’iidada uu talaalku u leeyahay carruurta, isaga oo halkaasi ilmihii ugu horeeyay ku siiyay labadii dhibcood ee talaalka ka hor taga cudurka dabaysha.

Wasiir Maxamuud Axmed Garaad ayaa dardaaran u soo jeediyay kooxaha talaalka u baxayay isagoo sheegay in looga baahan yahay inay u dhabar adaygaan wixii dhibaato kaga yimaada hawshan ay wadaan.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha WHO, Unicef iyo wasaarada diinta iyo awqaafta, waxaanay dhamaantoodba ku dheeraadeen muhiimada uu talaalka cudurka dabayshu u leeyahay caruurta iyo sida loogu baahan yahay in markasta lagu dadaalo talaalka caruurta ee cudurka dabaysha.

Somaliland.Org/Hargeysa