Wasaaradda Warfaafinta Oo Beenisay War Lagu Daabacay Wargeyska Ogaal

Hargeysa (Somaliland.Org)-Afhayeen u hadlay wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn war uu ku qoray wargayska Ogaal cadadyadiisii soo kala baxay shantii bishan iyo tobankeedii oo ku beegan maanta oo Axad ah, kuwaasoo ka been sheegay hawlaha shaqo ee wasaaradda warfaafinta.

Sidasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda oo u dhignaa sidan:-

“Wargayska Ogaal oo ka mid ah wargaysyada soo jireenka ah isla markaana aan looga baran khaladaadka saxaafadeed ayaa mudooyinkan dambe la soo baxay gefaf saxaafadeed oo ay ka mid tahay daabacaadda warar aan dheelli tirnayn oo baal marsan sugitaanka iyo xaqiijinta war tebinta looga baahan yahay.

Wargayska ayaa cadadkiisii shanta bishan March ku sheegay in ay mawjadda hirarka gaaban ee idaacadda Radio Hargaysa aamustay muddo saacado ah. Iyaga oo aan wax xog ah ka raadin, xidhiidhna la samayn mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda taas oo meel ka dhac ku ah xeerka saxaafada.

Sidoo kale cadadka maanta ee Wargayska Ogaal ayaa lagu qoray warar aan loo miidaan deyin oo tilmaamaya in shaqaale aan shaqo cayiman lahayn oo wasaaradda ka hawlgala iyo mid kale kale oo uu ku sheegay inay wasaaradda ka hawl-galaan shaqaale hubaysan.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda warfaafintu waxa uu sheegay in ay tahay arrin lala yaabo labada warbixinood ee wargaysku daabacay oo ah warbixino ka fog xaqiiqada taala wasaaradda Warfaafinta, iyadoo haba yaraatee wargaysku aanu waraysan cid ka tirsan mas’uuliyiinta wasaaradda.

Waxaanu dadweynaha kula talinaynaa inay ka fogaadaan wararka uu wargayskaasi baahinayo ee xaqiiqada ka fog, isla markaana wasaaradda warfaafintu waxay ka dalbanaysaa hay’adaha ammaanka ee dalka inay dabagal ku sameeyaan isbedelka ku yimid wargayskan oo aanu filayno inay gacan kale ku jirto.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com