Somaliland: Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo gacanta Ku dhigay Koox Budh-cad badeed ah

Hargeysa, (Somaliland,Org)- Taliyaha ciidamadda Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Guuto, Axmed Aw- Cismaan, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 9 nin oo budhcad-baddeed ah iyo dooni nooca dheereeya ah oo ay wateen.

Taliyaha Ciidanka ilaaladda xeebaha oo caawa u waramayay Warbaahinta, waxa uu sheegay in kooxdan budhcad badeedda ahi ay habeen hore ka soo ambo baxeen magaaladda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, isla markaana hawl-gal ciidanka xeebuhu sameeyeen lagu qabtay meesha la yidhaahdo Kaligii Waqal oo u dhaxaysa xeebta Shalcow iyo Conqor ee gobolka Sanaag.

Taliyuhu waxa uu xusay inay nimankani hubkii ay siteen ku daadiyeen badda isla markaana ay qirteen inay ka mid yihiin shabakadaha budhcad badeeda Puntland ka hawl-gasha. Taliyaha oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi “Budhcadaasi markay soo galeen biyaha Somaliland waxaanu kaga baxnay Berbera waxaanu kaga baxnay Ceel-Daraad iyo Shalacow waxaa laga soo hor-qabateeyay, waana loo sii diyaar garoobay madaxaa hore waa laga sii joogsaday markaa gabalkii ayaa dhacay sidii loo eryanayey xalay (habeen hore), waxaa la rabay in loo waa bariisto ka dib nimankii habeenimadii ayay ka dageen laashkii waxaanay galeen bariga buuraha ayay fuuleen ciidamadeenu way ku daba dhaceen laashkiina gacanta ayaa lagu hayaa, iyagiina gacanta ayaa lagu soo dhigay.”

Admiral Guuto- Axmed Aw Cismaan waxa uu ammaanay ciidanka ilaaladda xeebaha oo mar walba heegan ugu jira sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka xeebta dheer ee Somaliland. “Waxaanu wada shaqayn buuxda la leenahay saddexda hay’addood ee kala ah wasaarada daakhilga oo aanu ka tirsan nahay, wasaarada maaliyada oo dhakhligii illaalintiisii masuul ka ah iyo wasaaraddii kalluumaysiga oo khayraadkii badda masuul ka ah saddexdaasi hay’adood wada shaqayntoodu inay danta dakhli iyo amni ku jiraan isku xidhnaan saddexdaasi hay’addood ayaa la sameeyay,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Illaalada Xeebaha Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com