M/Ku xigeenka Oo Dhambaal Tacsi ah u diray Qoyskii Marxuum-ABIIB XADI JAAMAC

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qarabadii, Qoyskii Asxaabtii iyo shacbiga reer somaliland ee uu ka baxay ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM ABIIB XADI JAAMAC oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka.

Waxa uu marxuumku ka mid ahaa odayaashii magaca iyo maamuuskaba kulahaa dadkiisa, ee fara ku tiriska ahaa naf iyo maalba u huray dalkiisa, dadkiisaba, sidoo kale waxa uu xilal ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyey ee wakhtiyadaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, waxa uu illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo Ehelkii, Qarabadii, Qoyskii Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN