Wasiir Samaalle Oo Kormeer Ku Tegay Xafiisyadda Maaliyadda Ee Gabiley

Gabiley (Somaliland.Org): Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada iyo madaxa kastamada ayaa shalay socdaal ku tagay gobolka Gabiley.

Weftigan ka socday wasaaradda maaliyada oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada C/casiis Samaale ayaa ayaa soo kormeeray dhisme cusub oo ay wasaaradda maaliyadu ka hirgalinayso magaalada Gabiley.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay xafiiskan ay wasaaradda maaliyadu ka hirgalinayso magaalada Gabiley ayaa sheegay in xafiiskaasi uu wax wayn ka tari doono gobolka Gabiley, gaar ahaana dhinaca ururinta cashuuraha berriga iyo cashuuraha kaleba.

isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa farxad ii ah in maanta (shalay) aan imaado magaalada Gabiley, oo aan u imid xafiis wayn oo wasaaradda maaliyadu ka dhisi doonto halkan, kaasi oo ay dhismihiisu hada bilowday in aan hubino xafiiskaasi, halka uu ku yaalo iyo sidii gobolka qiimo ugu yeelan lahaa, xafiiskani waxa uu noqon doonaa xafiis wayn oo guud ahaan gobolka wax wayn ka tari doona haday tahay cashuuraha berriga iyo haddii ay tahay cashuuraha kaleba”.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa kale oo uu sheegay in xafiiskani uu noqon doono mid ay ka maamuli doonaan dhamanba hawlaha cashuuraha ee gobolada galbeedka oo dhan “wuxuu yeelan doonaa xafiisyo guud ahaa gobolka iyo gobolada galbeedka oo dhanba laga maamulo oo arrimaha la xidhiidha kastamiska ayaa ka dhismi doona , farxad wayn bay ii tahay in aniga iyo masuuliyiin ka socda wasaarada maaliyada agaasimihii ay ka mid yihiin in manta u nimaadno si hawshaasi fulinteeda” ayuu yidhi wasiirku.

sidoo kale wasiirka ayaa u mahadnaqay masuuliyiinta gobolka Gobolka Gabiley iyo madax dhaqameedka gobolka Gabiley, waxana uu yidhi “waxaan halkan ka salaamayaa dhamaanba masuuliyiinta kala duwan ee gobolka Gabiley, haday tahay badhasaabka iyo badhasaab ku xigeenka, maayarka iyo xildhibaanada laga soo dooray degmada Gabiley, Caaqilada iyo Salaadiinta iyo masuuliyiinta hawshan nagala qaybqaatay, markaan bilownay ilaa manta sida wanaagsan noola shaqaynayay”.

badhasaabka gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan dhismahan wasaarada maaliyaddu ka hirgalisay gobolka Gabiley.
Wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Samaale, waxa uu kormeer ku soo maray xafiisyada cashuuraha ee wasaaradda maaliyadu ku leedahay magaalada Gabiley.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com