Marwadda Koowaad Oo Ka qeyb gashay Xaflad Lagu Xusayay Maalinta Haweenka Aadduunka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, ayaa habeenkii xalay ka qayb gashay munaasibad ay soo agaasimeen Daladaha Haweenka ee Now iyo Nagaad oo lagu xusayey maalinta haween waynaha aduunka ee Sideeda March,oo ku beegnayd maalintii shalay ayaa lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Xuseen Qawdhan, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Mas’uuliyiin iyo Marti sharaf kale.

Hadal ay halkaa ka jeedisay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa waxa ay ku dheeraatay waxyaabaha u qabsoomay Haweenka Somaliland mudadii xukuumadani jirtay, iyadoo sheegtay inay dumarku heleen fursado badan oo horumarineed waxaanay tilmaamtay sida loogu baahan yahay inay haweenku cududooda mideeyaan, taas oo ay kaga qayb qaadan karaan horumarka dalkooda.

Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde oo gebagebadii munaasibadaas ka hadashay ayaa hambalyo iyo boogaadin u dirtay Haweenka Somaliland xuska maalinta haweenka Aduunka awgeed marwa aamina waxa ay golayaasha Qaranka ka codsatay inay meel mariyaan kootada haweenka kaga qaybqaadanayaan Doorashooyinka Baarlamanka, iyadoo isla markaana usoo jeedisay haweenka Somaliland inay gacmaha is qabsadaan iskuna taageeraan hawlaha kala duwan ee Qaranka.

Waxa kale oo halkaa iyaguna ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay munaasibadaas iyo Arimaha haweenka Somaliland ee Xiligan halka ay marayaan.

Dhanka kalena xaflado lagu xusayey munaasibada haween weynaha aduunka ee Sideeda March ayaa lagu qabtay gobolada kala duwan ee dalka, kuwaas oo qaarkood ay barbar socdeen kaalmooyin ay haweenku ugu deeqeen Cisbitaaladda.
Somaliland.Org/Hargeysa