Maayarka Berbera Oo Sii Sagootiyay Lix Dhakhtar Oo Deeq Waxbarasho u Tagay Tansaaniya

Berbera (DAWAN)-Maayarka magaalada Berbera C/Shakuur Maxamuud Xasan, ayaa ka qayb galay xaflad lagu sagootiyay lix dhakhtar oo ka mida dhakhaariirta ka hawl gasha cisbitaalka Berber ee gobolka Saaxil oo deeq waxbarasho ugu baxay wadanka Tansaaniya.

Xafladan oo shalay ka qabsoontay qolka nasashada madaarka Berbera, waxaa ka soo qayb galay agaasimaha cisbitaalka Berbera Caasha Aadan Guuleed, masuuliyiinta caafimadka gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta degmada Berbera, xubno ka tirsan hawl wadeenada caafimadka gobolka Saaxil.

“Waxaan idin kula dardaarmaynaa waxaad tihiin sharaftii dalka, midhihii dalka waxaad sidaan sharaftii dalka in deeqdaa waxbarasho aad uga soo faa’iidaysataan ayuu horumarkeena iyo mustaqbalkeenuna uu ku jiri doonaa, waxaanan idiin rajaynayaa inaydun ka faa’iidaysan doontaan deeqdaasi waxabarasho, waxaan u mahadcelinayaa hayada TAT iyo wasaarada caafimaadka oo iska kaashaday deeqdan waxbarasho,”ayuu yidhi Maayarka Berbera.

Agaasimaha cisbitaal Berberam Caasha Aadan Guuleed,oo munaasibaasi ka hadashay ayaa sheegtay in laba ka mida toban dhakhtar oo dhawaan dalka Taywan deeq waxbarasho ugu baxay laba ka mida ay ahaayeen dhakhaatirta ka hawlgala Berbera.
“waxaan rajaynayaa inay intaas iyo in kabadan Hay’ada TAT iyo wadanka Tansaaniya ay nagu taageeraan, dhakhaatiirtii dhawaan tagtay Taywan laba ka mida tobankii dhakhtar waxay ahaayeen gobolka Saaxil, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay waan idiin sii ducaynayaa Allena waxaan ka rajaynayaa in idinka oo aqoon iyo waayo aragnimo intaas ka sii badana halkaas ka soo korodhsataan Ha’yadana waan u mahad naqayaa,”ayay tidhi Agaasimaha Cisbitaalka Berbera Caasha Aadan Guuleed.

Masuul ka tirsan hayada TAT ee deeqda waxbarasho bixisay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Hay’adoodu wax badan ka taageeraan wasaarada caafimadka Somaliland, waxaanu tilmaamay in cisbitaalka Berbera ay ku caawiyeen Baabuur Ambalaas ah.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com