Badhasaabka Awdal Oo Hadlay Dhacdadii Xariirad

Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhsaabka Gobolka Awdal Md. Cabdoo Aayar ayaa maanta ka hadlay dhacdadii Xariirad, waxaanu sheegay in maamulka gobolku uu ka shaqeynayo ilaalinta iyo xoojinta nabad-gelyadda.

“Waxa aan aad uga xumahay wixii ka dhacau Xariirad todobaadkan, waxaan aad uga xumahay dhimashada ay sababtay arrinta, waxaan aaminsan nahay in dadka ku nool Awdal iyo Salal ay yihiin dad walaalo ah oo ood-wadaag ah oo ay dano badani ka dhexeeyaan oo aanan sinaba u kala tagayn,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.

Badhasaabka Awdal waxa uu sheegay inuu ahmiyadda siinayo ilaalinta nabad-gelyadda Gobolka, waxaanu yidhi “Waxaan mudnaanta siinayaa mar walba dhinaca nabadgalyada, waxaanan diyaar u ahay inaan nabadgalyada ka shaqeeyo gabi ahaanteedba.”

“Gobolka Awdal waa meel ku caan ah nabadgalyada, waa meeshii Somaliland lagu dhisay waa meel dadkeedu ay nabadda u hoggaansan yihiin isla markaana uu ka hano qaaday horumar balaadhan oo dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo guud ahaan nolosha ah,ayuu yidhi Badhasaabka oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay xuska maalinta haweenka adduunka oo lagu qabtay magaaladda Boorame, waxaanu intaasi ku ladhay “Sidaasi oo ay tahay waxaan diyaar u ahay inaan nabad-galyada mudnaanta siiyo aniga ogsoon inaanan kaligay waxba qaban karin balse aan u baahan nahay in la ogsoonaado taageerada dadka reer Awdal.”

Badhasaab Cabdoo waxa uu haweenka ku booriyay inay ka qayb qaataan ilaalinta Nabad-gelyadda, waxaanu yidhi “ Haweenku waa kuwa dal dhisa ama dumiya, waa kuwa raga colaada ama nabadgalyada ku dhiiri galiya, waxa aan uga socdaa oo aan ku boorinayaa haweenka reer Awdal inay ka shaqeeyaan nabadalyada.”

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliiland.Org/Boorame