“Waxay Ahayd Cilad yar oo dabka ah, waana aanu Hagaajinay”

Wasaaradda Warfaafinta Oo Beenisay In Idaacaddii Weynayd Hawada Ka Baxday

Hargaysa (Somaliland.Org): Agaasimaha waaxda farsamadda Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyoSomaliland wacyi-gelinta Eng. Axmed Saleebaan Maxamed (Axmed-Wayne) ayaa beeniyay warar ay maalmihii u dambeeyay Wargeysyada qaarkood ka qoreen,kuwaasi oo sheegayay in ay hawada ka baxday idaacadda Radio Hargaysa.

Eng. Axmed Saleebaan Weyne oo xalay u waramay Wargyska DAWAN, ayaa ka hadlay cilad yar oo sababtay inay hal baahin ka bakhtiiyaan idaacadda mawjadda gaaban, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Sadex Maalmood ka hor, waxa cilad yar oo fudud oo xagga dabka ahi ku timid Idaacadda Radio Hargeysa, ciladaasi oo goor habeenimo ah ku dhacday idaacadda, waxaanay ahayd cilad xagga laydhka nagaga timid, oo markii danbe intii aanu ku hagaajinaynay wakhti nagu qaadatay.

Waxa aanu bakhtiinay mawjadii gaabnayd, annagoo ka taxadaraynay in ciladaasi ku fido idaacadda, waxaana idaacadu hawada ka maqnayd baahintii habeenimo oo qudha subaxnimadii dambeba waanu shidnay markaanu ciladii wax ka qabanay. Qaybta FM-ta ee Idaacadu iyadu caadi ahay u shaqaynaysay. Markaa waxaanu garanay in illaa inta waagu baryayo aanu ka dayno, markaa waxay ahayd cilad yar oo fudud subaxdiiba waanu ku guulaysanay in aanu dib u shidno oo waa tii subaxiiba hawadda soo gashay.” Agaasimaha Farsamaddu waxa uu si weyn ugu mahad celiyay shaqaalaha iyo Injineeradda idaacadda oo uu ku tilmaamay qaar saacad walba u taagan ilaalinta, cilad ka saarista iyo daryeelka idaacadda.

“Qaybta ay ciladu gashay waxay ahayd mawjada gaaban ee goboladda iyo dalalka dibada laga dhegaysto, laakiin mawjada FM-ta wax cilad ah oo gashay ma jirin,”ayuu yidhi Agaasimaha Farsammadu.

Eng. Axmed Saleebaan Weyne waxa uu dacaayadaha Idaacadda laga qoray ku sifeeyay qaar ay aqoon darro ka muuqato oo muhmal ah, waxaanu yidhi “Warkan Beenta ah Jaraa’idka iyo dadka qorayaa waxay dagaal kula jiraan wasaaradda war-faafinta iyo hawlaheeda, waxaana warkan beenta ah ee idaacadda laga faafiyay ka muuqata aqoon darro fara badan oo cadaynaysa in aanay aqoon u lahayn qalabka elegtarooniga ah iyo habka ay idaacaduhu u shaqeeyaan, markaa waxay tani cadaynaysaa inay iska tahay muhmal iyo been ay iska qoreen.”

“Maalmahan danbe waxa soo baxay dad ma xishoodeyaal ah oo war xumo tashiil ka dhex wada bulshadda oo doonaya in ay ku faafiyaan wax aan jirin, kuwaasi oo ay u jeedadooda ugu waynina tahay in ay kala qoqobaan kala fogeeyaan dadka iyo Wasaaradda. Waxaan u soo jeedinaynaa dadkaasi inay ka waantoobaan beenta aan geedna loogu soo gaban,”ayuu yidhi Eng. Axmed Saleebaan.

Sidoo kale waxa uu Agaasimuhu ka waramay wadamada kala duwan ee laga dhegaysto idaacada Radio Hargaysa, waxaanu yidhi “idaacadu waa idaacad weyn oo manqadan aynu ku nool nahay oo dhan way wada gaadhaa, Waxa kale oo ay gaadhaa dunidda carabta ilaa Kuwait, xagga koonfureedna ilaa Muusaanbiig, xagga galbeedkana Chad illaa Suudaan.

Markaa idaacadda intaa le’eg waad garan karaysaa in waxa ay ku shaqaynaysaa aanay ahayn wax yar oo fudud. qofkii macluumaadkeeda haya ayuun baa fahmi karaya, waana qalab electaroonig ah, elegtarooniguna waa wax ay mar kasta cilad ku iman karto waana wax uu bini’aadam sameeyay oo dayactir iyo cilad saar lala dabo-taagan yahay.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa