Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Wakhti dheer Dadweynaha Kula Qaatay Mid ka mid ah Huteeladda Hargeysa

“Booqashadani waa Mid Iska Caadi ah oo Muujinaysa In Madaxdu shacbigooda la wadaagaan dareenkooda”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Soomaaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay galab isagoo aan wadan wax ilaalo ah, si lama filaan ah isagoo kaligii ah galay Huteelka Imperial ee Magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ay muddo saacado ah kula qaatay dadweynihii Huteelkaasi ku sugnaa.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ahaa dadkii ay halkaasi kula kulmay Madaxweyne Ku xigeenka ayaa sheegay inuu si weyn ugu riyaaqay in madaxweyne ku xigeenku si caadi ah iskaga dhex mushaaxo bulshadiisa.

“siyaarraddan uu Madaxweyne ku xigeenku ku yimid Huteelkan oo ka mid ah goobaha ay galabtii waxgaradka iyo dadweynuhuba fadhiistaan, aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa uguna ammaanayaa madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Saylici,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac).

Xildhibaanku waxa uu hadalkiisa intaasi ku sii ladhay “Waa mid caado u ah madaxda xukuumaddan, waxaynu ogeyn dhawr jeer oo hore Madaxweyne Siilaanyo sidan oo kale booqday meelo ka mida ganacsiga caasimadda qaarkood, waxaanu aad u soo dhaweynaa saacadihii uu Madaxweyne ku xigeenku la qaatay dadkiisa kulana sheekaystay.”

Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa booqashadiisa Huteelkaas ku sifeeyay mid caadi ah, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu ydhi “Booqashadani waa mid aragti ahaan kala midaysan nahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sidani oo kale kula wadaagay shacbigiisa, waana mid aan aad iyo iyo aad ugu faraxsan nahay, waana mid iska caadi ah oo muujinaysa in madaxdu dareenkooda la wadaagaan shacbiga.” labadii sanadood ee la soo dhaafay dhawr jeer ayuu Madaxweynaha Somaliland goobo kala duwan oo ku yaala Hargeysa uu booqday isagoo aan wadan wax ilaalo ah.taasi oo rayul caamka bulshaddu ku diirsadeen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa