“Dastuurka markii loo baahdaba waa la furayaa, maaha kitaab quraan ah”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku dooday in Somaliland ka qeyb gasho shir kasta oo dani ugu jirto masaalixda qaranimadda dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay markii uu shalay dalka ku soo guryo noqday, ka dib markii uu muddo safar ugu maqnaa wadanka Ingiriiska, ayuu Madaarka Berbera warbaahinta kula hadlay.

“Anigu waxaan qabaa in shirka Ingiriiska laga qayb galo iyo kuwa kale ee dani inoogu jirto, cida laga caqli roon yahay haddii iyagu ina khiyaamaynayaan dee waa inaynu iska aragnaa wixii inoo dan ah ayuun baa meesha yaala wixii aan inoo dan ahayn waa maya, jinkana waanu la hadlaynaa haddii dani ku jirto,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko in Dastuurka Somaliland wax laga bedelo iyo in kale, waxa uu yidhi “Dastuurka markii loo baahdaba waa la furayaa, maaha kitaabka quraanka. dan baynu u samaysanay haddii aynu garan weyno waynu bedalaynaa.” Guddoomiyaha waxa ku soo dhaweeyay madaarka Berbera Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com