Shir Hargeysa Uga Furmay Maamuleyaasha Dawladaha Hoose ee 7 Magaallo

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiir ku xigeenka Maamulka ee wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, ayaa maanta kulan hal maalin ah uga furay Magaalada Hargeysa maayarrada iyo Xog-hayayaasha Fulinta ee Todoba degmo oo uu ka socdo mashruuca GPLG ee Dawladaha Hoose. Kulan-howleedkan oo ku saabsan sidii looga arinsan lahaa howlaha mashruuca GPLG iyo sida uu degmooyin-kaasi uga shaqeeyo. […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Aadan Sanweyne

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariisteeMARXUUM, XILDHIBAAN AADAN SHIRE FAARAX (SANWEYNE), oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo shalay ku geeriyooday Shil ka dhashay daad qaaday gaadhigii uu saarnaa oo uu dooxa Lafa-ruug la tegay kaasi oo u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa.

Dowladnimaddu waa halbowlaha shacabka, dayaca ninkii ka dhowraanna waa geesigeedda.

Nabadeey, akhristayaal waa markale iyo qormooyinkayggii aan ku faaqiddi jirey ama ku daah furi jirey xaqiiqda iyo xaaladaha kala duwan ee hadba Jamhuuriyadda Somaliland marayso, waxqabadka, dadaalka, daacadnimadda, isku duubnidda iyo weliba doorka mucaaridka oo aan uga faallooddo hadba xaaladiisa dal iyo dad dhis oo u baahan hogaamin qaangaadha oo shacab weynaha soo jiidata si uu mucaaridku ugu guulaysto kalsoonidda iyo taageeradda shacabka oo ah midda suuragelisa guusha iyo isbedelka siyaasiggaa, haddii ay jiraan xaaladdo keenaaya isbedelkaasi nidaam oo ah amuurta aan u samaysanay habka asxaabta badan iyo tartanka xortaa iyo xalaashaa ee horseedka u tahay horumarka dalka iyo dadka ee dhinacyadda nolosha aadamaha.

Xildhibaan Aadan Sanweyne Oo Daad Ku qaaday Dooxa lafo-ruug oo aan raq iyo ruux lahayn

Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee waxa galabta geeriyooday Marxuum- Aadan Shire Faarax (Aadan Sanweyne) oo ka tirsanaa Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ka dib markii Dooxa Lafo-ruug ee Jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera uu daad-qaaday baabuur Landcruser ah oo ay saarnaayeen shan qof oo xildhibaanku ku jiray. Sidaasna waxa shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay […]

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Dhaliil u soo jeediyay Maxkamadda Sanaag

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire) ayaa ku dhaliilay maxkamadaha gobolka Sanaag inay ka gaabiyeen inay xukumaan kalluumaysato Yemaniyiin ah oo sifo sharci-daro ah uga kaluumaysanayay biyaha Somaliland,kuwaasoo ciidamadda illaalada xeebuhu ay qabteen muddo 11 cisho ahna xukun sugayaal ah, iyagoo ku xidhan degmad Maydh.

TACSI Loo Dirayo La Taliyaha Wasiirka Warfaafinta

Ku-Simaha Gudoomiyaha DAWAN MEDIA GROUP, ahna Tifaftiraha Guud Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, Madaxa Maamulka iyo Xisaabaadka Deeqa Axmed Cabdilaahi, Tifaftiraha wargeyska The Horn Tribune Maxamed Axmed Cigge, Yuusuf Maxamed Xasan, Good Maxamed Good, Xasan Xuseen Cabdi, Faysal C/Laahi Cabdalle, Siciid Maxamed Askar, Maxamed Axmed Ciise, Khadar Cabdi Muuse, Jamaal C/Raxmaan Macalin, Axmed Cali Wacays, […]

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Weftigiisii Oo Soo Gaadhay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed MAxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa maanta duhurkii ka soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu xalay u hoyday magaalo xeebeeda Berbera oo uu shalay soo gaadhay markii uu soo dhamaystay socdaal shan maalmood qaatay oo uu ku tagay Imaaraadka carabta.