“Waxaan ku faraxsan nahay in xisbigii ururkii sadexaad nagu soo biiray, wada hadalna noo socdo…”

Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in guulaha kala duwan ee xisbiga Kulmiye ay ka soo bilaabantay doorashadii golaha wakiilada ee dalka ka dhacday sanadkii laba kun iyo shan 2005.

Md Xisri Xaaji Cali Xasan waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad loo sameeyay garab ka tirsanaa ururkii Ummada ee hadhay oo ku soo biiray xisbiga talad ahaya ee ulmiye.

Waxanu wasiir Xirsi intaasi raaciyay in siyaasad wanaaga, horumarka iyo guulaha kala duwan ee uu xisbiga Kulmiye ka gaadhay dhinaca siyaasada ay tahay mid soo taxnayd ilaa iyo aas aaskii xisbiga ee sanadkii 2002-dii, doorasahdii galaha wakiilada, tiii madaxtooyada ilaa tii u danbasyay ee goleyaasha deegaanka.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “kulmiye guushiisu imika may bilaabmin ee waxay bilaabantay doorashadii golaha wakiilada, tii madaxtooyadana waa kii ku guulaystay madaxwayne Axmed Siilaanyo, tii goleyaasha deegaankana wuu ku guulaystay”.

Sidoo kale wasiir Xirsi waxa kale oo uu ka warmay waxqabadka uu xisbiga Kulmiey sameeyay muddadii uu talada dalka hayay ee dhinacyada waxbarasahda, caafimaadka, amaanka, biyaha iyo waxyaabaha kale ee arrimaha bulshada mihiimka u ah.
Waxaanu yidhi “kulmiye intiii uu talladda joogay wax badan ayuu ka qabtay oo ah arrimaha bulshada oo ay taariikhdu xusi doonto dhinacyo badana , marar badan ayaan hore u xusay laakiin in guusha lagu celcliyo ceeb ma aha, waxbarashada wax la taaban karo ayuu ka qabtay, biyaha ayaanu wax ka qabanay oo ceel badan ayaanu wadanka ka hirgelinay, caafimaadka dhamaan gobolada waxaanu ka furnay cusbitaalo shaqeeya, ka Hargysa, ka Burco, Ka Berbera , ka Boorama indhihiin ayaa idiin macalin ah, beeraha mar haddii aanu bariiskii wadanka soo saarnay waxba nooguma dhina, Amaanka ciidamada kala duwan ee magacyadoodu kala duwan yihiin haday yihiin RRU iyo haday yihiin SPU iyo kuwo kaleba waanu samaynay”.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ku soo biiray xisbiga Kulmiye isla markaana uu xisbiga kulmiye yahay mid ay ummada Somailand oo dhan u siman tahay.

“waxaan maanta ku faraxsanahay in ururkii saddexaad uu ku soo biiro xisbiga Kulmiye, waxaanan leenahay ku soo dhawaada kulmiye, waxan idin leeyahay kulmiye waa loo siman yahay oo marka aad ku soo biirto waxaad ka mid tahay xisbiga kaalin walba waad geli kartaa waana xisbi qaran, waana la idiinka baahnaa xisbiga oo meeli way idiinka banaanayd ha moodina in uu dinka buuxsamay.” Ayuu yidhi wasiir Xirsi.