Madaxweyne Ku xigeenka oo Dhagax dhigay Dhisme cusub oo loo dhisayo Wasaaradda Xoolaha

“Waxaanu Miisaaniyadda ku darnay kharash loogu tallo-galay in Wasaaradaha loogu dhiso xafiisyo cusub”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisi doono Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu wado in lagu dhamaystiro muddo shan bilood ah.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Dr. Cabdi Aw-Daahir Cali, ayaa sheegay in xukuumaddu maal-gelinayso dhismaha cusub ee wasaaradda, waxaanu yidhi “Waxaynu dhagax dhigaynaa dhisme cusub oo loo dhisayo wasaarada xanaanada Xoolaha oo ka mida mashaariicdii ay Xukuumadu balan qaaday oo ku jiray shirkii dib u qiimaynta in qiimo weyn la siiyo wasaaradaha wax soo saarka sida wasaarada xanaanadda xoolaha, wasaarada kaluumaysiga iyo wasaarada beeraha. mashruucani ma aha mid ay Hay’adi naga caawinayso ee waa mid ay xukuumadu bixinayso.”

Dr. Cabdi Aw Daahir oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu doonaynaa Madaxweyne ku xigeen inaad noo dhagaxdhigto maanta mashruucan balaadhan oo aanu ku dhamayn doono siday sheegeen qolada qaadatay dhismaha muddo aan ka badnayn shan bilood”

“Kolay baritana mashruuc kan la mid ah ayaynu dhagax dhigi doonaa haddii ALLE idmo oo ah Boqol (100) dhakhaatiir ah oo aanu shaqaalaynay oo ah dhakhaatiir ka soo baxay Jaamacadaha Sheekh iyo Burco, Suudan Iyo Itoobiya,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanadda xooluhu.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo xafladii dhagax dhiga Dhismaha cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolalaha Loo dhisayo ka hadlay, ayaa sheegay inay xukuumaddu ay dhismeyaasha wasaaradda ku soo dartay miisaaniyadda qaranka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Runtii farxad weyn bay noo tahay talaabooyinka aanu ku dhaqaaqnay Xukuumad ahaan ee dhiska iyo dib u habaynta wasaaradaha dalka oo Runtii aan odhan karo waa markii u horeysay ee miisaaniyadda Qaranku leeyahay laga dhiso xafiisyo wasaaradaha Dawladu leeyihiin oo aan naga ahayn, awal wixii lagu faani jiray wax Hay’ado noo qabtaan uun bay ahayd, laakiin maanta waxaa suurto gal noo ah laba ama seddex wasaaradood ayaanu qorshaynay in lagu daro dhismeyaasha xafiisyo cusub”.

“Maadaama oo Xafiisyadaa aynu ku soo jirnay mudadda 20 sano, ay ahaayeen xafiisyo gaboobay oo aynu dawladihii hore ka dhaxalnay Somaliland-na ay dawlad madax-banaan noqotay waxaanu go’aansanay in dalka dib u dhiskiisa la xoojiyo oo wasaarad walba xafiisyo cusub ay yeelato tan aynu maanta dhagax dhigaynaana Miisaaniyada dawlada ayey ku jirtaa ee maaha mid la inaga caawiyey,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

madaxweyne ku Xigeenku waxa uu tallooyin u jeediyay saxaafadda Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay saxaafadu indhaha aad ha u furaan oo meesha dhaliisha ahna waanu ogol nahay ee toosiya inta badan ee aanu qabanayna aad u faah faahiya sababtoo ah maanta way idiin muuqataa wadankan dhismihiisii Haday tahay Wadooyinkii Dhismayaashaa socda ee sida Wasaaradii Kaluumaysiga Wasaaradan Xanaanada Xoolaha wax badan baa socda oo horumar ah.”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socday shirkadda Caalami Construction oo qaadatay dhismaha xarunta cusub, ayaa sheegay inay muddo shan bilood ah ku dhamaystiri doonaan dhismahan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com