Jaamacadda Golis Oo Xaflad u samaysay saraakiil ka socday jaamacado ku yaala Sweden Iyo Itoobiya

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxda kala duwan iyo macalimiinta Jaamacadda Golis ee Magaalada Hargaysa ayaa xalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu kor shaqaynayey u sameeyey Labo wefti oo ka kala socday hay’adaha tacliinta sare ee Dalalka Sweden iyo Itoobiya.

Gudoomiyaha Jaamacadda Golis Dr Siciid Axmed xasan oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadaasi ayaa sheegay in labadan wefti ee dhinaca waxbarashada ka socdaa ay ka kala yimaadeen dalalka Sweden iyo Itoobiya isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan oo lagu tayaynayo tacliintii sare ee laga heli jiray jaamacadda Golis.

Dr Siciid waxa uu tibaaxay in weftiga ka socda Dhinaca Dalka Denmark ay ballanqaadeen inay u soo diri doonaan Somaliland Macalimiin heer sare ah iyo shaqaale Voluntery ah, halka sidoo kalena ay weftiga ka socda dalka Itoobiya ay dhankooda u ballanqaadeen jaamacadda Golis inay ka taageeri doonaan dhinacyada aqoonta la xidhiidha farsamada gacanta sida dib u hagaajinta taleefanada gacanta, tallaagadaha.Photo Copy-ada,Pinter-ada iyo inta badan waxyaabaha Digitel-ka ah

Ilyaas oo horkacayey weftiga aqoonyahanada ee ka socday dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya iyo Md yaasiin Xuseen oo isna aha madaxa weftiga reer Denmark ayaa labadooduba ka hadlay soo dhoweyntii haboonayd ee loogu sameeyey Somaliland, waxayna ku tilmaameen deegaan nabadgelyo balaadhani ka muuqato oo u baahan in laga taageero dhinacyada horumarinta arimaha bulshada oo ay ugu horayso tacliinta sare.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com