Guddi loo Xil saaray Warshadda Laydhka Oo Ku Baaqay In Meesha laga Saaro Maamulkii Warshadaasi

Gudida Madaxweynuhu u saaray waxay ku tallo-bixiyeen in warshaddu is bixin karto

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudidii uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay xaaladda wershadda laydhka ee caasimadda Hargaysa ayaa maanta soo bandhigay warbixino ka hadlaya xaaladeeda iyo halka ay marayso.

gudidaasi oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xarunta wershadaasi, waxa ugu horayn ka hadlay Wasiirka wasaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo xubin ka ah gudidaasi waxa uu ka cadeeyey in wershadaasi aanay ahayn sidii lagu sheegayey isla markaana ay gudidoodu xaqiijiyeen inay shaqaynayso, dakhlina soo saarayso isla markaana ay kharshiyaad ahaan is bixinayso, gudidanina ay gacanta ku hayso.

Md. Xaabsade waxa uu sheegay inay isla qaateen gudidu in maamulkii hore ee wershadda meesha laga saaro isla markaana la keeno xubno cusub oo maamulka wershadda qabta.

wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna ka mid ah gudida oo shir jaraa’idkaas ka hadlay waxuu sheegay in wershada laydhka ee caasimaddu ay tahay mid is bixin karta waxana uu shacbiweynaha ugu bishaareeyey inay wershadu shaqadeeda sii wadanayso isagoo ku boorriyey dadweynahu inay iska bixiyaan lacagta laydhka ay shitaan ee warshadda laydhka Hargeysa.

Xisaabiyaha guud ee qaranka Md Maxamed Cabdi Bedde iyo hantidhowrka guud ee qaranka Md Maxamuud Aw Cabdi oo iyana xubno ka ah gudidaas ayaa halkaasi ka sheegay sida ay wershadu u tahay mid lagu sii tiirsanaan karo , iyagoo dhanka kalena ballanqaaday inay si joogto ah ula socon doonaan xisaabaadka maalinlaha ah ee wershadaasi.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com