“Waxaad Moodaa in Maalmahan ay Boorame ku soo badanayaan banaan-baxyadda aan Macnaha lahayni”

Badhasaabka Awdal oo Xadhiga Ka Jaray Dhise cusub oo Loo Dhisay maamulka Gobolka

Boorame (Somaliland.Org)-Badhaaabka cusub ee G/Awdal ayaa xadhiga ka jaray dhisme xarun cusub ah oo uu ku shaqayn doono maamulka Gobolka, isla markaana ay maalgalisay hayada DAI ee caalamiga ah. Munaasabadan oo ka dhacday xarunta G/Awdal waxa ka qayb galay salaadiin aaad u tiro badan oo ka socotay guud ahaan dalka Somaliland, madaxda laamha dawlada ee heer gobol iyo dagmo iyo badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal.

Sarkaal ka socday hayada DAI oo dhismahan maalgalisay ayaa waxa uu sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay mashaariic uu ku deegay USAID isla markaana loo qaybiyay gobolada dalka, isaga oo ka waramayay xaruntan cusub ayaa waxa uu yidhi “ Waa dhisme dib u habayn lagu sameeyay waxana uu ka kooban yahay xafiiskii badhasaabka, kii xoghaynta iyo xafiis kale, waan dhignaya dhamaan qalabkii xafiiska, balse waxa wali dhiman kombuyuutaradii oo aan dhawaan soo dhigi doono.

Maayarka Boorama Mud. Saleebaan Xasan Xadi, iyo Xoghayaha D/Hoose ee Boorama Mud. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in badhasaabka cusub uu la kawsaday mashaariic dhinacyo badan taabanaya, waxana ay balan qaadeen inay wada shaqayn xoogan la yeelan doonaan maamulka Gobolka ee cusub.

Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Ibraahim Dacar Yuusuf, Sul. Xasan Xadi Baade iyo Caaqil Daahir Cismaan Cilmi, oo ka hadlay madashaasi ayaa hadalo kaftan iyo duurxul ah ku cabiray tabashooyinka reer Awdal iyo xaalka siyaasadeed ee dalku maanta marayo. Waxana ay salaadiintu ugu dambayntii hadalkooda gun dhig uga dhigeen in nabadgalyada laga wada shaqeeyo.

Xoghayaha NOW ee G/Awdal Marwo Radwa Maxamed Cige oo ka hadashay halkaasi ayaa waxa ay xustay inay soo dhawaynayaan badhasaabka cusub, waxa kale oo ay sheegatay in ay lagama maarmaan tahay in la dajiyo xaalka G/Awdal iyada oo dadka ugu baaqday inay nabada ka hormariyaan waxwalba.

Badhasaabka Awdal Mud. Cabdoo Axmed Aayar oo soo afmeeray madashaasi ayaa ka waramay hiigsigiisa dhinaca waxqabadka ah, waxana uu wax badan ka dalbaday in lala shaqeeyo, isaga oo markaasi balan qaaday in wax walba uu ku sunti doono waxqabad.

Badhasaab Cabdoo Aayar oo ku dheeraaday dhinaca nabadgalayada ayaa waxa uu yidhi “ Gobolkani waa gobol balaadhan, waa astaantii aqoonta, waa hoygii lagu dhisay Somaliland iyo hormarka guud ahaan dalka oo dhan la hiigsanayo, waxa aad moodaa maalmahan dambe in ay soo badanayaan banaanbaxyada aan micnaha lahayn ee ka dhacaya Boorama, waxa aan sheegayaa in la ogsoonaado in mudaharaadada rabshadaha wataa ay duminayaan gobolkeena, waxana furan in tabashooyinka jira lagu dhamayn karo wada hadal iyo isa-soo-hor fadhiisi, sidaasi aawadeed, waxwalba waxa aan jecelahay in lagu xaliyo is afgarad, mudnaantana la siiyo nabadgalayada, dhamaanteena aan ka wada shaqayno”.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame