Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Oo Beeniyay in Maxjarkii Al-jaabiri u guuray Muqdisho

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr, Cabdi Aw-Daahir, ayaa beeniyay war lagu baahiyay warbaahin qaarkood oo sheegaya in maxjarkii Al-Jaaburi ee magaalada Berbera gobolka Saaxil u guurayo magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha oo saaka xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay waxaa uu sheegay in howlihii maxjarka Berbera howlihiisa si habsami ah u socdaan. “laba maxjar ayaa ku yaal magaalada Berbera labada midna ka guuri maayo Somaliland meel ay u kacayaana majirto iyagaana dan ku qaba, xoolaha ayaa xukuma xooluhuna barigii dhawayto Xajka waxa berbera ka dhoofay malyan iyo laba boqol kun oo neef (1,200,000 ), maxjaradu may keenin xoolaha tiradaasi leh ee dhoofay ee waxa keenatay dekeda Berbera, waxaana jira heshiis aanu lagalnay maxjaradaasi” ayuu yidhi Dr Cabdi Aw-Daahir.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr, Cabdi Aw-Daahir, waxa sidoo kale shirkaasi jaraa’id ku sheegay in wasaaradiisu u qorshaysan tahay in hilibka xoolaha dhoofa dajinayso hab casriya lagaga dhoofiyo dalka, waxaana uu xusay in wadamada Asia ku yaala la bilaabi doonaan xiidh ganacsi, waxaanu yidhi, “waxaanu hada wadnaa waxa weeye mashruuca hilibka dhoofka oo aanu doonayno hab casriya inay dalka uga dhoofan, waynu heli karnaa meelo kale oo Asia iyo Khaliijkaba ah laakiin marnaba Somaliland hilimayso Sucuudi Carabiya meel u dhaanta ama uga wanagsan xagga xoolaha”.

Somaliland.Org/Hargeysa