Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka War-bixiyay Shir Caalamiya oo uu kaga qeyb galay Faransiiska

London (Dawan)Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Mudane C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay in jaamacad ku taala dalka faransiiska oo lagu barto culuumta badda iyo horumarinta ay dhawaan iskaashi dhinaca waxbarashada ah la samaynayso jaamacada culuumta badda ee Berbera.

C/laahi Jaamac Cismaan (geeljire) oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan isaga oo jooga magaalada London ee dalka Britian, ayaa ka waramay waxyaabihii lagaga hadlay shirk u saabnsanaa kalluumaysiga iyo arrimaha badda oo dhawaan ka dhacay dalka Faransiiska oo uu ka qayb galay iyo sidoo kale masuuliyiintii wadamadii shirkaasi ka qayb galay ee uu la kulmay.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland oo ugu horayn ka hadlaya shirkaasi iyo waxyaabihii uu ku saabnsanaa waxa uu yidhi “Wuxuu ku saabsanaa waxa la yidhaahda, Marine time-ka, wuxuu isugu jiray kaluumaysiga iyo arrimaha badda, Carwo oo kale ayuu ahaa, waxaanu lagu soo bandhigayay qaababka cusub ee kalluunmaysiga iyo gaadiidka badda, amaanka, tamarta badda.

Shirkaasi oo ay soo qaban qaabiyeen wadamada ku jira midawga yurub isla markaana ay ka soo qayb galeen dhamaanba wadamada ku jira midawga yurub, waxa kale oo ka soo qayb galay hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta badaha, C/laahi Cismaan (Jeeljire) oo arrimahas ka ahdlayana waxa uu yidhi “waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyay Midawga Yurub, waxaana ka qayb galay dhamaanba wadamada ku jira midawga yurub iyo waxa kale oo ka soo qayb galay hay’ado kale oo cilmi baadhis ah. guud ahaan wuxuu ahaa bandhigaa shirar doceedyo ayaa jiray, kolba wax gaara lagaga hadlayay, waan gaadhsiinay waxyaabihii aanu u tagnay”.

C/laahi Geeljire, waxa kale oo uu sheegay in maalmihii uu shirkaasi socday in uu la kulmay madax kala duwan oo uu ka mid ahaa madaxa dawlada faransiiska u qaabilsan la dagaalanka budhcad baddeeda ee geeska afrika iyo hay’ada horumarinta baddaha.

“waxaan la kulmay madaxa xafiiska geeska Afrika ee Faransiiska iyo hay’ada horumarinta waxa kale oo aan la kulmay madaxa la dagaalanka budhcad badeeda ee dawlada Faransiiska, waxaan kala hadalnay waxyaabaha lagaga hortagi karo iyo horumarinta xeebaha, iyo sidii waxqabad loo heli lahaa ayay noo balanqaadeen, iyo in aanu ka helno taageero dheeraad ah ka helno sida Ingiriiska oo aan ahayn ka soo maya Yurub ayaa uu ku dhiirigelinay”. Ayuu yidhi wasiir geeljire.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in dawlada faransiisku ay u balan qaaday in ay wax ka qabanayaan jaamacada lagu barto culuumta baddaha ee Berbera isla markaana ay isku xidh dhinaca waxbarashada ah dhawaan la samayn doonto jaamacad ku taala dalka farasiiska.Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxyaabaha ay noo balanqaadeen waxa ka mid ah in ay wax ka qabanayaan Jaamacada culuumta badda ee Berbera oo ay ku soo xidhaan Jaamacad Faransiis ah oo lagu barto horumarinta culuumta baddaha”.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay u jeedada safarka uu ahda ku joogo magaalada London, waxaanu yidhi “Waxaan markii hore ku soo biiray weftigii Madaxweynaha ee dhawaan booqashada ku yimid dalka Britian, ka dibna inaa jaaliyada la kulmano, waanan la kulanay qaarkood berina (maanta) shir ayaanu isugu keenaynaa lagaga warbixinayo xaalada dalka, waxa kale oo aan xoojiyay xildhibaanada halkan u jooga horumarinta madaaarka magaalada Burco.”

Somaliland.Org/Hargeysa