Shir lagu Qiimaynayay Qorshaha Caafimaadka ee sadex biloodka u horeeya 2013-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Kulan hawleed lagu qiimaynayey qorshahii horumarinta caafimaadka Somaliland ee sadex biloodka ahaa ayna ka qayb galeen mas’uuliyiin ka kala socday hawlwadeenada wasaaradda caafimaadka ayaa maanta ku qabsoomay Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa.

Kulankan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen hay’adaha wada shaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka Sida hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Md Xuseen Muxumud Maxamuud (X Xoog) isagoo ka warbixiyey talaabooyinkii ay wasaaraddu ka qaaday hirgelintii qorshahii sadex biloodka ahaa ee ugu horeeyey sanadkan 2013.

Wasiirka caafimaadka oo ka hadlayey hawlaha ay sida wada jirka u fulinayeen wasaaradda iyo hay’adda WHO ayaa waxuu tilmaamay in horumar laga gaadhay talaalkii Polio-da isla markaana aan wax KIIS ah laga helin gudaha Somaliland, halka sidoo kalena uu tibaaxay in la hakiyey fiditaankii Cudurka duumada lana bilaabay ka faa’iidaysiga talaalka cusub ee loo helay cudurka Jooniska.

Md Xoog ayaa sheegay in hawl maalmeedka wasaaradda ee uu soo gudbiyo xafiiska xog ururinta ee HMIS ay suurogal ka dhigtay in 24 saacadoodba wasaaraddu hesho xog sugan oo caafimaad oo guud ahaan dalku leeyahay, taasoo turjumaad ka bixisa inay soo korodhay baahi caafimaad iyo hadii kale.

Drs Martha Evarnad oo ah wakiilka Somaliland iyo Somalia ee Hay’adda WHO oo kulankaa ka hadashay ayaa ka warantay hanaankii uu qorshe caafimaadkii 2013 u socdo, gaar ahaan barnaamijyadii ay hay’ada iyo wasaaraddu wada shaqaynta ka lahaayeen, waxayna xustay in ay caddaynayso in sadex biloodkii u horeeyey ee qorshayaashaasi uu si habboon u qabsoomay. Isla markaana ay rajaynayso in qaybta hadhay ay iyana u hirgasho sidii loo qoondeeyey.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa