Shir-gudoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyay In La Soo Af-jaray Khilaafkii M/weynaha & Ku Xigeenkiisa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shir-gudoonka Goleyaasha Baarlaanka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ay go’aansadeen inay wada jir u wada shaqeeyaan isla markaana ay soo gabo-gabeeyeen wixii khilaafaad ahaa ee dhexdooda yaalay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay dhinacyada ka fadhiyeen xubnaha shir-gudoonka Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida oo ay ku lamaanaayeen Xildhibaano ka tirsan labada aqal, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa waxa ku sheegay in gabi-ahaanba la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka.

Mudane C/Raxmaan Cirro oo ka hadlayay xal u helida khilaafkaasi ay ka hawl-galeen, waxa uu yidhi “Shirgudoonka labada Gole oo ay weheliyaan odayaashii ugu cuslaa Somaliland ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Waraabe iyo Muxumed Aw Axmed, markay eegeen marxaladda guud ee dalku marayo haddii ay tahay xagga amniga, markii ay eegeen ih khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenku uu soo baxay, waxaanu la kulanay si aanu xog-ogaal ugu noqono annagoo ah masuuliyiintii qaranka Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, markii aanu dhegaysanay madaxweynaha iyo Ku xigeenka una soo jeedinay inay soo afjaraan iyagoo danta guud ee qaranka eegaya wixii khilaaf ah ee la maq-maqlay.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisu ku heshiiyeen inay si wada jir ah gacmaha iskugu qabsadaan fulinta waajibaadka qaranku u igmaday, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu shacbiga Somaliland iyo saxaafadda u xaqiijinaynaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku xigeenka Mudane C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay soo af-jareen dhameeyeenna wixii khilaaf ah ee la maq-maqlay.”

“Iyagoo mar walba ka horaysiinaya danta qaranka, kuna heshiiyeen inay si wada jir ah ay gacanta isku qabsadaan fulinta hawlaha dastuurku u igmaday ee qaranka u hayaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com