Mucaaridka Jabuuti Oo Markii U Horeysay Guul ka gaadhay doorashadii baarlamaanka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa goor hore oo maanta ah ku dhawaaqay natiijadii hordhaca ahayd ee Doorashadii aqalka baarlamaanka ee dalkaasi taasoo qabsoontay maalintii shalay ee Jimacaha.

Doorashada oo loogu tartamayey 65 kursi baarlamaan ayaa waxa ku loolamayey sadexda xisbi ee kala ah Xisbiga talada haya ee Isbahaysiga Aqlabiyada Madaxtooyada ee (UMP)), Xisbiga Muucaaridka ah (USN) iyo xisbiga kale oo lagu magacaabo (CDU).

Natiijada hordhaca ahayd ee uu ku dhawaaqay wasiirka arimaha gudaha ayaa tilmaamaysay in 49% ay codadkii laga dhiibtay magaalada caasimadda ah ay uu ku guulaystay Xisbiga talada haya ee UMP, halka isbaahaysiga mucaaradka oo ka kooban labada xisbi ee kale ay iyana caasimadda ka heleen 47% codadkii dadweynaha.

Dhanka kalena wararkau waxa ay sheegayaan in natiijada hordhaca ah ee Gobolada kale ee dalka uu ku horeeyo xisbiga UMP ee uu hogaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyadoo la filayo in natiijada kama dambaysta ah ee rasmiga ah lagu dhawaaqayo maalmaha soo socda.

Somaliland.Org/Hargeysa