Wefti ka socday Midowga Yurub Iyo FAO Oo Booqday Mashaariic laga fuliyay Boorame

Boorame (Somaliland.Org)- Qaadhaan-bixiyeyaal ka socda Midawga Yurub iyo hay’adda FAO ayaa booqday Boorama, iyadoo ay wehelinayeen masuuliyiinta Dawladda Hoose ee magaalada ayay maanta soo kormeereen mashaariic dhawr ah oo ay ka fuliyeen magaalada Boorama, meelaha ay booqdeena waxa ugu muhiimsanayd sariibad laga dhisay xaafada Sh. Axmed Salaan.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Boorama Maxamed Cabdi Xaashi (Xamari) oo ka waramay ahmiyada sariibadani ay bulshada u leedahay waxa uu yidhi. “ Waa horumar soo kordhay oo wax badan ka taraya baahida dhinaca suuqyada ah ee magaalada ka jirta, waa hubaal in dadka magaalada ku nool uu kordhay, isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo suuqyo badan oo lagu baaho dadkana u sahla adeega.”

Waxa uu Xoghayuhu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan ku dardaarayaa dadka ku ganacsanaya sariibadan inay is dareensiiyaan lahaanshaha goobtan, isla markaana ilaaliyaan nadaafadeeda iyo dhismahaba, waxaanan u mahadnaqayaa Midawga Yurub oo bixiyay lacagta lagu dhisay iyo hay’adda FAO oo maalgalintaa ina soo gaadhsiisay.”

Haweenay ku hadlaysay magaca dadka xaafadaas ayaa waxa ay cabirtay dareenkeeda waxaanay tidhi. “Waan ka mahadnaqaynaa, waa baahi muuqatay oo la daboolay, waxay wax badan ka taraysaa ganacsigii iyo fayo-dhawrka guud, waana waajib na saaran inaan ilaashano.”

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame