Wasiirka Duulista Oo Cayimay Xiliga La dhamaystirayo Casriyaynta Madaarka Hargeysa

Hargaysa (Somaliland.Org); Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waramay halka ay marayso hawsha dib u dhiska Madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxaanu faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dib u dhiska Madaarku.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sidan ka sheegay mar uu caawa u waramayay TV-ga Qaranka, waxaanu sheegay in si tayaysan loo dayactiray loo sameeyay madaarka, Wasiirku waxa uu xusay in muddo gaadhaysa ku dhawaad laba bilood ay ku dhamaanayso hawsha dib u dhiska dhabaha diyaaradaha ee Hargeysa.


Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ shaqadu waxay u socotaa sidii loogu talogalay waxaan rajaynaynaa in shaqadanu ku dhamaato muddo aan ka badnaan labo bilood, mashruucu wuxuu leeyahay saddex rukun midi waxa weeye in aad haysato qalabku haboon shaqada loogu talogalay midna waxa weeye aqoon ku filan shaqada iyo inuu Kambaniga samaynayaa haysto lacag ku filan qodobkaasi wuxuu shardi u yahay”.

isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Kambaniga mashruucan qaatay waxay u joogaan inay u hubiyaan oo u kuurgalaan tayadda dhismuhu in uu sax yahay shaqada la qabtay iyo qiimaheeda iyagaa sugaya, marka uu intaa dhameeyo ee uu hubiyo waxaas uu u qalmaa oo kuwaa latigii waafaqsan aqoontiina meeshay joogtaa qalabkiina waa qalab ku filan shaqada waxaanay ku xidhan tahay in aad saddexdaa isla hesho”.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa