Maamulka Salaama Financial Oo Ka hadlay Adeegyo Cusub Oo Ay Soo Kordhiyeen

Waxay Soo Dhaweeyeen Aasaaska Shirkada Transparent Solution TS

Hargeysa (DAWAN)-Agaasimaha hawl galinta Salaama Financial Service, C/kariim Xariir Ismaaciil oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu daah furayay shirkada Transparent Solution TS. oo Isniintii la soo dhaafay ku qabsoontay hotel Ambassdor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay Transparent Solution TS, ka mid tahay shirkadaha sida wayn ay iskugu xidhan yihiin isla markaana ku faraxsan yihiin ka qayb galka munaasibada daah furkeeda.

Agaasimaha howl galinta Salaama financial Service, oo ugu horayn ka hadlaya xihiidhka laba shirkadood iyo sidoo kale howlaha u qorshaysan inay wadajir uga howlgalaan waxa uu yidhi “hadaanu nahay Salaama Bank, waxaanu gacan saar wayn oo wada shaqayneed la leenahay Transparent Solution oo Shirkadaha nala xiriira kuwa ugu muhiiimsan, waxaanu wada rajeynaynaa inaanu wada bilaabi doono ama wada galidoono mahaariic waawayn oo kuwa nalaga filayo haday tahay dhismaha jidadka iyo haday tahay baahida loo qabo tamarta (energy) oo ka samayn doono cilmi baadhis fiican iyo maalgalin uu nooga baahandoono”.

Agaasimaha howl galinta Salaama Financial Service, sidoo kale waxa uu sharaxaad mug leh ka bixiyay Salaama financial Service, xiliga la’aasaasay, howlaha iyo adeegayada ay bushada u qabato, cidda ay la shaqayso iyo siday u shaqayso, waxaana ka mid aha ahaa qodobada uu sida fahfahsan sharaxaada ka bixiyay.
? Salaama financial Service, waxa la’aasaasay 2010kii iyadoo hore u jirin waxa sida bangiyada heer caalami ah waxanay ahayd tii ugu horaysay ee la daah furtay.
? Salaama financial Service, waxay xarumo ku lee dahay Berber, Burco, Boorama iyo xarunta Laascaanod, Wajaale furitankeeda hada lawado.
? Salaama financial Service, waxay dalka ka samaysay shaqo abuur dhamaan gobolada iyo degmoyinka dalka ay xarumaha ku leedahay oo boqolaal gaadhaya shaqalaha ka howl gala.
? Adeega Furista akoono bilaasha Saving account iyo Current account shicibka iyo ganacsatada xoolahoda ku kaydsadaan.
? Adeega E.banking, oo sahlaya qofka isagoo gurigiisa joga Internetka furan karo account kiisa, ama SMS banking
? Adeega KAAFI Service, oo ka dhashay mataanaynta SALAAMA ZAAD Service.
? Adeega Online prepaid Card.
? Adeega TT Transifer oo muhiin u ah ganacsatada.
? Salaama financial Service, waxay wada shaqay la leedahay bangiyada Commerce Bank iyo Banglas Bank.

Somaliland.Org/Hargeysa