“Waxaanu Ku dedaalaynaa Inaanu Biyo Nadiif ah ka haqab-tirno Dalka

Hargaysa (Somaliland.Org): Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta biyaha iyo tamarta Somaliland Siciid Axmed Jibriil ayaa sheegay in ay dhawaan u gudbin doonaan golaha wasiiradda xeerka korontada, si ay uga baran dagaan isla markaana ay ugu gudbiyaan labada goleyaasha sharci dejinta.

Siciid Axmed Jibriil waxa kale oo uu sheegay in siyaasada xukuumada uu Siilaanyo ay tahay sidii dadweynuhu u heli lahaayeen biyo nadiif ah, isaga oo xusay in ay ceelal biyood ka qodeen gobolada iyo degmooyin ka dalka.
Siciid Axmed Jibriil oo ugu horayn ka hadlaya waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay waxa uu yidhi “sidaad la socotaan wasaaradu waa wasaarad balaadhan waxaanay haysaa masuuliyad weyn oo ay ka mid yihiin qaybta ugu muhiimsan nolosha oo ah biyaha.Sidaad la socotaan biyuhu waa nolosha oo aanay dadku nolaan karin biyo la’aantooda sidaa awadeed siyaasada dawladu waxa ka mida in dadweynaha Somaliland la siiyo biyo nadiifa oo ku filan.”

isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ mudadii aan xilka hayay waxyaalaha noo dhamaaday waxa ka mida waaxda biyaha gobolka Maroodi Jeex guud ahaan 13 ceel ayaan u qodnay ceel aan ka qodnay Arabsiyo iyo ceel aan ka qodnay meesha baliga cas la yidhaahdo iyo ceel aan ka qodnay Salaxlay. Saddex ceelna waa baadiyaha, 13 ceelna waa magaalada Hargeysa magaalada Boorama waxa aan u qodnay 3 ceel, 4 ceel oo kale waxaan u qodnay meelaha baadiyaha gobolka Togdheer, 12 ceel magaalada Burco u qodnay baadiyahana ceel baan ka qodnay gobolka Saaxil magaalada Berbera waxaan u qodnay 3 ceel baadiyaha marka lasku daro ceelasha gagaaban iyo kuwa dhaadheer waxay isku noqonayaan shan ceel biyood. Biyo tuulo gobolka Sanaag waxaan u qodnay 4. Ceel hal ceel oo magaalada Ceerigaabo, 2 ceel oo ku yaal degmada Ceel Afwayn iyo hal ceel oo ku yaala Ceerigaabo gobolka Sool waxan ka qodnay hal ceel meesha la yidhaahdo Yagoori iyo mid imika socda oo ku yaala Qori dheere.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta biyaha iyo tamarta oo shalay waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan kooxo u direen gobolada dalka si ay u soo sameeyaan sahan biyood, isla markaana uu sahankaasi hada soo dhamaaday.waxanu yidhi “waxqabadka wasaarada waxa ka mida sahanka biyaha oo aan soo gabogabaynay sanadkii ina dhaafay bishiisii labaad, kaas oo wadanka bari ilaa galbeed waqooyi ilaa koonfur. Tiimanka wasaaradu ay dhinac walba u baxeen soona ogaadeen meel walba oo biya leh ama durdur ha ahaato ama ha ahaato ceel dheer ama ha ahaato ceel gaaban intaa waxa dheer shaqooyinka wasaarada oo joogto mar walba u socda dayactirka ceelasha.”

waxa kale oo uu tilmaamay in waaxda tamarka ee wasaaradu samaysay cilmi baadhis “waxna oo ceelal bilaa tamar kuma shaqayn karaan, labo goor waxay samaysay cilmi baadhis kal hore mid uu ahaa xaga dhuxul dhagaxda oo wali cilmi baadhistii socoto, waxa kale oo waaxdu gacanta ku haysaa biyo kulu leeyahay c adceeda ku shaqeeya si aan uga faa’iidaysano cadceeda Ilaahay inoogu deeqay waxa intaa dheer ay waaxda tamartu qabatay xeerkii korontada oo la diyaariyay 2012-kii imikana aan doonayno in aan u gudbino golaha wasiirada si ay u baas gareeyaan una gudbiyaan golaha baarlamaanka”. ayuu yidhi Siciid Axmed Jibriil.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN