Maalinta dhinyarada Somaliland Oo Boorama Laga Xusay

Boorame (Somaliland.Org)- Xuska maalinta dhinta Somaliland waxa uu uga qabsoomay Boorama si wayn, waxana munaasabadii xalay ku kulmay 100 dhalinyaro ah oo ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanada golaha degaanka Boorama, xildhibaanada dalada SONYO kaga jira G/Awdal, iyo masuuliyiinta degmada Boorama oo iyaguba dhalinyaro ah.

Munaasabadan ayaa waxa soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada ah ee SAYS, waxana maal galisay dalada SONYO, waxana kulankan lagu gorfeeyay shaqala’aanta iyo ahmiyada shaqo abuurka dhalinta.

Ugu horayn Agaasimaha Fulinta ee Ururka SAYS Mud. Nuur Aadan Shirdoon oo ka hadlay kulankan ayaa xusay in maamuuska maalinta dhalinta Somaliland ay tahay mid wayn waxana uu yidhi “ Waan u mahadnaqayaa dhalinta iyo madaxda ka soo qayb gashay kulankan, waxana aan qabaa in munaasibadu ay tahay maamuuska iyo xuska maalinta dhinyarada Somaliland oo ah mid dhamaanteenba nagu wayn”.

Agaasime Nuur waxa uu ka hadlay ahmiyada kulanka ayaa yidhi “ Waxa aan ka dhiganay hal ku dhiga kulankan Shaqo-la’aanta iyo shaqo abuurka, waan ognahay in dhalintu ay laf dhabartii bulshada yihiin, waxaana lagama maarmaan ah in shaqo loo abuuro, dalku waa shaqo la’aan, shaqooyinka tirade yare e jirtana dhalintu fursad uma hesho ama waxa ka badan dhalinta shaqo doonka ah, sidaasi aawadeed kulankeena waxa aan rabnaa inay ka soo baxaan talooyin muhiim ah oo wax ka taraya sidii dhalinta shaqo loogu abuuri lahaa iyada oo qaybaha kala duwan ee bulshada lagu baraarujinayo inay ka qayb qaataan shaqo abuurka dhalinta, xukuumadana cadaadis lagu saaro in ay shaqo u abuurto dhalinta iyada oo lagu garab joogsanayo waajibkeedan”.

Kulankan ayaa waxa kale oo ka hadlay Xil. Cumar Meecaad Caynaan oo ka mid ah xildhinaanada dalada SONYO kaga jira gobolka Awdal waxana uu sheegay in ujeedooyinkii dalada loo aaaasay ay ka mid ahaayeen inay xaqa dhalinta u dodo, shaqo abuurka maanta laga hadlayaana uu yahay mid arintan hoos imanaya, waxana uu ugu dambayntii xildhibaaan Meecaad xusay in dhalinta ay shaqo la’aantu ku noqotay caqabad xoogan oo aan indhaha la iska tiri karin ooh or taagan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa ay xuseen in markii ay ololaha ku jireen ay wax badan ku ololeeyeen in dhalinta ay shaqo u abuurayaan, si tan loo gaaro waxa ay ahmiyada saareen in dhalinta iyo ururada dhalinta looga baahan yahay in dadaal kan la mid ah ay la yimaadaaan si ay iyaguna u sii taageeraan.

Maayar ku xigeenka Boorama Mud. Maxamed Dheerayste oo isaguna ka halday halkaasi ayaa xusay in shaqo abuurku uu yahay mid aan sahlanayn, balse loo baahan yahay in ganacsatada xukuumada, hayadaha caalamiga ah iyo dhalintaba lagu dhiiri galiyo inay shaqo abuuraan iyada oo la is barbartaagayo dhalinta la timaada fikiro shaqo abuur ah si loo dhiiri galiyo inay dhalintu ay iskood shaqooyin u abuurtaan.

Kulankan ayaa waxa kale oo ka hadlay isuduwaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee G/Awdal Mud. Cabdiwahaab Yuusuf Ibraahim waxana uu xusay in shaqo la’aantu ay jirto dawladuna aya tabar yar tahay loona baahan yahay in dhalinta lagu dhiiri galiyo shaqo abuurka si shaqooyin badan loo abuuro.

Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa intii uu socday, waxa lagu gorfeeyay in G/Awdal uu yahay gobolada ugu shaqo la’aanta badan dalka iyada oo ay jiraan duroofo taageeray shaqo la’aanta oo ay ka mid yihiin, kaabayaasha dhaqaalaha oo liita ama aan jirin, dadaalka xukuumada ee shqo abuurka ku aadan gobolka oo gaabis ah, wacyigalinta ku aadan shaqo abuurka oo liidata, shaqooyinka tirade yare e la helo oo gacanta loo galiyo dad aan dhalinyaro ahayn ama lagu qoro qabiil iyo waxc la mid ah, iyo ugu dambayntii dhalin badan oo isku duufsata arinta tahriibka iyaga oo aaminsan in aanay shaqo jirin degaanka ku hareeraysan.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame