Kulan ku saabsan Caqabadaha ka Horyimid Goleyaasha deegaanka Ee Cusub oo ka furmay Boorame

Boorame (Somaliland.Org)- Dalladda SONSAF ayaa maanta Golaha deegaanka ee Boorame u furtay kulan lagu falan-qeynayo caqabadaha ka hor yimid Golaha deegaanka ee dhawaan la soo doortay.

Kulankan oo qaatay mudo hal maalin ah oo ay soo qaban qaabisay dalada jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa ka qayb qaatay xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama iyo kaqayb galayaal ka socday bulshada rayidka ah waxana ay ujeedadiisu ahayd sidii xog looga ururin lahaa xildhibaanda cusub ee dhawaan la doortay iyada oo xogtaasi lagu ururinayo caqabadaha ilaa hada soo food saaray iyo fursadaha kale ee ay heleen si mustaqbalka looga sameeyo warbixino muhiim ah.

Kulankan ayaa waxa ka hadlay furitaankiisii Agaasimaha daladda SONSAF Mud. Maxamed Axmed Maxamuud Barwaani waxana uu yidhi “ Kulankani waxa uu barbar socdaa kulano aan dalka oo dhan ka qabanayno oo aan u qabanayno xildhibaanada cusub ee golayaasha degaanka loo doortay, waxa ay tahay ujeedadiisu sidii aan u ogaan lahayn caqabadaha haysta iyo fursadaha ay heleen intii ay shaqaynayeen, taasi aan ka damacsanahay inaan ka ururino xog balaadhan oo laga sameeyo warbixin dhamaystiran oo daaha ka fayda golayaasha degaanka ee cusub.

Agaasime Barwaani waxa uu micneeyay daladda SONSAF waxana uu yidhi “ SONSAF waa dalada ugu balaadhan ee Somaliland ee matasha jilayaasha aan dawliga ahayn, waxana ay wax badan ka shaqaysay dhinaca doorashooyinka iyo dimuquraadiyada, waxana ay damacsan tahay in dimuquraadiyada dhaqankeeda iyo micnaheeda bulshada la baro.

Xil. Cabdi Cismaan Dhagawayne oo ka mid aha xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Waa hubaal caqabado balaadhan ayaa ilaa hada na haysta oo aan la kowsanay, caqabadahaasi waxa ay ku abtirsadaan qaabkii doorashada loo galay oo ay wax badan ka qaloocnaayeen, waana hubaal in aan toosin u baahanahay dadkuna ay u baahan yihiin in laga maydho mahadhooyinkaasi, waxa kale oo xusid mudan in wacyiga maantu aanau ka maarmaynin in la is waydaarsado waayo aragnimo ku aadan qaabka ay golayaasha degaanku u shaqeeyaan maadaama oo aan xilka ku cusubnahay dhalinyarona aan nahay waa lagama maarmaan in aan ka faaiidaysano fursadaha noocan oo kale ah”.

Badhasaabku xigeenka Gobolka Awdal Mud. Cabdi Nuur Sugaal oo ka hadlay halkaasi ayaa ka qayb galayaasha ku dardaaray inay ka faaiidaystaan fursadan isla markaana ay xogo badan ka bixiyaan caqabadaha ilaa hada soo foodaaray si mustaqbalka loo saxo.

Kulankan ayaa intii uu socday la isku waydaarsaday dodo adag oo midho dhal ah oo ka tarjumaya xogaha ilaa hada laga raadinayo gudaha golayaasha degaanka ee xilka ku cusub.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame