“Dhibtii Xalay Waxay ku dul Dhacday aniga, waxa la shiiday Gurigaygii”

Telefishanka Aan Sharciyadda haysan Ee RAYO oo dib Hawadda Ugu Soo Noqday Iyo Badhasaab Ku Xigeenka oo Ka hadlay

Boorame (Somaliland.Org)-Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal ahna ku simaha Badhasaabka Awdal Mud. Cabdi Nuur Sugaal, ayaa ka hadlay khasaare dhalinyaro gadoodsani xalay gaadhsiiyeen gurigiisa magaaladda Boorame, ka dib markii la xidhay TV-ga RAYO oo laga daalacdo gudaha magaaladda Boorame oo kaliya.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal waxa uu carabka ku dhuftay in khasaare loo gaystay gurigii uu ka daganaa Boorama waxana uu yidhi “ Dhibta xalay dhacday waxa ay ku dul dhacday aniga, waxa la shiiday gurigaygii, ma lihi waxa loo shiiday hayb qabiil, balse waa xilka, waayo waxaan ahay masuulka ugu sareeya ee goboka ku sugan”.

Badhasaab ku xigeenku waxa uu ku dardaarmay ilaalinta nabadgalyada, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in nabada la ilaaliyo.

Badhasaab Ku xigeenku waxa uu sheegay in maanta waan-waan lagu sii daayay xubno ka mid ah maamulka Telefishankaasi oo xalay la xidhay ka dib markii ay sii daayeen guubaabooyin qabiil iyo barobagaando ka dhan ah Xukuumadda Somaliland. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in TV-gu hawadda dib ugu soo noqday.”

Tv-gan ayaan illaa iyo hadda wax sharci ah ka qaadan wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland
Somaliland.Org/Boorame