Abwaan Hadraawi oo ka waramay Halka Dhalan Rogga Dhaqan kaga Yimid Ummadda

Hargeysa(Somaliland.Org) Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa sheegay in ummada reer Somaliland ay dhaqan fiicnayd oo karti leh iyo taariikh, ka hor gumaystihii, isla markaana gumaystihii ingiriiska uu waddadii ka leexiyay ilaa maantana ay hayaaan waddadii gumaystaha, waxaanu soo jeediyay in waddadaasi ama raadkaasi gumaystuhu inagaga tagay umada laga soo celiyo.

Abwaan Hadraawi oo khudbad qiimo leh ka jeediyay munaasibad balaadhan oo lagu soo gabo-gabaynayay barnaamijka Qiimee Qofkaaga Wanaagsan oo shalay ka dhacday hoteel Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Abwaanka Hadraawi, waxa uu sidoo kale sharaxay nolosha bani-aadanka inta uu ku nool yahay aduunka, waxaanu tilmaamay in waajibaad saaran yahay ruuxa inta uu nool yahay loogana baahan yahay fulinta waajibaadkaasi,
“waxaa la yidhi, nin lahaa xil kama dhicin, nin hadhsadayna kama tagin, himalada aduunyada nin hadaafa lama odhan howsha noloshu kaa xidhan, biyo dhacuna waxa weeyaan qofku heer kasta oo uu joogo iyo wax kasta oo uu barto iyo si kasta uu yahay inta uu joogo aduunyada waxaa faran waajib, waxaa faran inuu fuliyo ujeedada Alle u abuuray.
Abwaanku , waxa kale oo uu khudbadiisa ku soo qaatay halka bulshada uu kaga yimid dhalan roga dhaqan, dhaqaale iyo kartiyeed taasoo uu sheegay in gumaystihii ingiriisku ka leexiyay.

“Ummadu waxay ahayd ummad wanaagsan oo gob ah, waan ka war haynaa gumaysigii carriga yimid ayaa ummada iyadoo Islaama, iyadoo karti leh, iyadoo dhaqan leh, iyadoo dhaqaale leh, iyadoo taariikh leh, iyadoo af-tahamo leh, iyadoo murti leh waa kii gumaysigii yimid ee waddadii ka leexiyay ilaa maantana waxaynu haynaa tubtii gumaysiga iyo dhaqankii gumaysiga aragtidii gumaysiga ilaa maanta waddadaas ayaynu haynaa”, ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Waxa uu intaasi ku daray isagoo hadalka sii watay wuxuu yidhi “Malaha waxa fiican inaynu wadadaa ka soo noqono ummad baynu nahay kaalin baynu nolosha ku leenahay dhaqan baynu leenahay, diin baynu leenahay, waxaana ila fiican oo badbaado aakhiro iyo adduun kuba ku jirtaa inaynu waddadaa ka soo noqono, in wanagsan baa joogta laakiin inyaroo koobanoo aan wali ka bixin xadkii maxayse kuugu taalaa hadii dadka intiisa badani hayaan waddadii gumaystaha, waxa fiicnaan lahayd aragtidaa maanta curatay in la joogteeyo, in ummada waddadaa ay hayso laga soo leexiyo, laakiin waxaas oo dhan waxay u baahan yihiin hogaamin garasho leh oo daacada oo garanaysa waajibaadka iyo xilka saaran” , ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Somaliland.Org/Hargeysa