Xuska Maalintii Dhagax-tuurka oo Laga Xusdy Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Maanta waxa laga xusay xarunta Somaliland ee Hargeysa maalinta dhagax tuurka oo ku beegan 20-ka bisha Febaury , xuska maanta oo ay soo abaabushay dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo ay ka qayb qaadanayeen, bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay hor kacayeen kooxda Baanboyda qaranka, ayaa socod ku maray qaybo ka mid ah waddooyinka caasimadda.

Munaasibadan oo ay dadweynaha kala qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Md. Cali Siciid Raygal iyo Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Gudoomiyaha gudida la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumud Madar iyo xubno ka mid ahaa ururkii dhalinyaradda Uffo iyo marwadii Madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Kaltuun Xaaji Daahir ayaa waxaa taallada Dhagaxtuurka ee magaalada hargaysa la dhigay Ubax lagu xusayey Shuhadadii ku dhimatay halgankii dib u xoraynta dalka iyadoo ilaahayna looga baryey inuu janadiisii ka waraabiyo geesiyaashii naftooda u huray.

Kulan kooban oo lagu qabtay taaladda dhagaxtuurka ayaa Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md.Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay in maalintani tahay maalin qaran oon marnaba la ilaawi Karin qiimaha ay bulshada iyo qarankaba ugu fadhido, isaga oo xusay inaanay dhici jirin in sida maanta aynu isugu soo baxnay aan la isugu soo bixi jirin, sanadkii kun sagaal boqol laba iyo sideetan kii , oo ah maalintan aynu xusayno.

Wasiirku waxa uu bulshada Reer Somaliland u jeediyay inay ilaashadaan Nabad galyadooda oo naf iyo maalba loo soo huray, isagoo tilmaamay in xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inay ka go’an tahay waxa u qabadka dhalinyarada dhinac kasta oo ay tahay, diyaarna ay u tahay in shaqo abuur u samayso intii taagteeda ah, Dhalinyaradana wuxuu ka codsaday inay samir u yeeshaan marxalada uu wadanku marayo iyo wakhtiga ay u baahan yihiin isbedelada socda

Somaliland.Org/Hargeysa