Xuska Maalinta Dhallinayarada Somaliland Ee Dhagax-Tuurkii Hargeysa Laga Xusay

SONYO Oo Markii Ugu Horraysay Si Isku Mid Ah Xuskan Uga Qaban Qaabisay Dhammaanba Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xuska sannad guurada 32aad ee maalintii dhagax-tuurka dhallinyaraduu UFFO loona asteeyey maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February ayaa maanta si weyn looga xusay dhammaanba gobolada dalka. Xuskan oo aalaaba ay soo qaban qaabiso dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

Xuskan Maanlintan waxa laga xusay xarunta Somaliland ee Hargeysa iyada oo magaalooyinka Boorama, Gabiley, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood ay si weyn uga dhacday xalay laguna xusay xaaladaha dhallinyarada Somaliland maanta horyaalla iyo sidii looga tashan lahaa abuuris fursado shaqo.

Xuska shalay ee Hargeysa oo ay dadweynaha kala qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal iyo Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Gudoomiyaha gudida la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumud Madar iyo xubno ka mid ahaa ururkii dhalinyaradda Uffo iyo marwadii Madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Kaltuun Xaaji Daahir, saraakiisha SONYO sida agaasimaha Fulinta iyo guddoomiyaha SONYO ayaa waxaa taallada Dhagaxtuurka ee magaalada Hargaysa la dhigay Ubax lagu xusayey Shuhadadii ku dhimatay halgankii dib u xoraynta dalka iyadoo ilaahayna looga baryey inuu janadiisii ka waraabiyo geesiyaashii naftooda u huray.

Waxaana halkaasi lagu xusay Mujaahid Barre oo ahaa wiilkii ay 32 sanadood ka hor shalay oo kale ciidamada Siyaad Barre ku toogteen magaalada Hargeysa. Kulan kooban oo lagu qabtay taaladda Dhagaxtuurka ayaa Ugu horeyn waxa hadalo ka soo jeediyey Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Mubaarak Ismaaciil Taani, oo ka sheekeeyey qiimaha maalintani u leedahay qaranka Somaliland. Sidoo kale Guddoomiye Mubaarak waxa uu sheegay in SONYO dadaal weyn ugu jirto sidii ay maalintan qiimaheeda kor ugu sii qaadi lahayd isaga oo xusay in maalmaha noocan oo kale ah la wayneeyo.

“Maanta oo kale 32 sanadood ka hor dhallinyaradu waxa ay dhibicdii dhiig ee ugu horraysay u daadiyeen qaranimada dalka waana ta aynu maanta hadhsanayno gobanimadeedii. Maalintani waa maalintii hurisay shamaca xornimo ee ay ka timid halgankii dib u xoraynta qarankeenu. Dhallinyarada maanta joogtaa waxa ay diyaar u yihiin in ay qalin, karti. Dadaal iyo nafhurnimo ku shaqeeyaan oo ay ka midhi dhaliyaan himilada umadda. Waxaanu diyaar u nahay in aanu xukuumadda kala shaqayno sidii dhallinyarada fursado loogu abuuri lahaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha SONYO. Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md.Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay in maalintani tahay maalin qaran Oo aan marnaba la ilaawi Karin qiimaha ay bulshada iyo qarankaba ugu fadhido, isaga oo xusay inaanay dhici jirin in sida maanta aynu isugu soo baxnay aan la isugu soo bixi jirin, sanadkii kun sagaal boqol laba iyo sideetan kii , oo ah maalintan aynu xusayno.

Wasiirku waxa uu bulshada Reer Somaliland u jeediyay inay ilaashadaan Nabad galyadooda oo naf iyo maalba loo soo huray, isagoo tilmaamay in xukuumaxda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inay ka go’an tahay waxa u qabadka dhalinyarada dhinac kasta oo ay tahay, diyaarna ay u tahay in shaqo abuur u samayso intii taagteeda ah, Dhalinyaradana wuxuu ka codsaday inay samir u yeeshaan marxalada uu wadanku marayo iyo wakhtiga ay u baahan yihiin isbedelada socda.

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay marwadii madaxweyne Marxuum Cigaal, Mujaahid Baashe Yuusuf, iyo xubno kale oo dhammaantood xusay qiimaha maalintani qaranka ugu fadhido. Dhinaca kale dalladda SONYO iyo xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shalay si wada jir ah u soo diyaariyey arod Half Maraton ah oo ay ku tartameen dadweyne fara badani, kaasi oo lagu xusayay xuska maalintan, waxaana lixdii xubnood ee kaalmaha hore la guddoonsiiyay abaalmarino isugu jira lacago iyo billado. Sidoo kale saraakiisha SONYO waxa ay lixdan xubnood xalay Hutel Soorsan ugu sameeyeen casho sharaf.

Somaliland.Org/Hargeysa