Wasiir Ku xigeenka Macdanta Oo Fagaare kala hadlay Dadweynaha Laasqoray

Laasqoray (Somaliland.Org)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Gobollada Sanaag iyo Badhan ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha Degmada Laasqoray.

Wasiirka oo u waramayay wakaaladda wararka Somaliland ee Solna, isagoo ku sugan magaalada laasqoray waxa uu sheegay inuu shalay kormeer ku soo maray xarumaha maamulka ee degmadaas sida Xarunta dawlada hoose oo uu kulan kula yeeshay Maayarka magaaladaas Maxamed Ayaan Ibraahin , dugsiyada kala duwan ee magaalada iyo dhismaha wershadda kalluunka ee magaalada oo hadda aan shaqaynayn.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland oo fagaare kala hadlay dadweynaha Degmada Badhan ayaa la socodsiiyey dadweynaha deegaankaasi xaaladda dalku marayo xilligan iyo qorsheyaasha ay damacsan tahay xukuumaddu ee ku wajahan barnaamijyada horumarineed iyo kuwa waxqabad ee loogu tallo-galay Gobollada bari ee dalka.
Cabdisalaan Maxamed Xasan waxa uu dadweynaha u sheegay ballanqaadyada Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku ballanqaaday in mashaariic horumarineed laga fuliyo Gobolada bariga Somaliland.

Dhinaca kale Maayarka magaalada laasqoay Maxamed Ayaan Ibraahin oo isna la hadlay dadweynihii fagaaraha isugu soo baxay ayaa sheegay inay degmada Laasqoray diyaar u tahay ka qayb qaadashada hawlaha horumarineed ee dalka ka socda, isla markana ay cid kasta oo xukuumadda ka tirsani soo booqan karto.

Sida la ogyahay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Cabdisalaan waxa uu hore socdaal ugu soo maray deegaano ay ka mid yihiin magaalooyinka Badhan iyo Hadaaftimo iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Somaliland.Org/Hargeysa