Madaxweynaha Oo Ka Qeyb galay Barnaamij abaal marino lagu gudoon siinayay 100 muwaadin

Madaxweyne Siilaanyo Oo Bilad sharaf ku Mutaystay Maamul Wanaagga

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibad Bilado lagu gudoon siinayay muwaadiniintii Somaliland wax taray mudadii ay jirtay kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 100 qof isla markaana iskugu jiray siyaasiyiin, aqoon yahano, abwaano, iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda oo maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Barnaamijka la magac baxay “Qiimee Qofkaaga” oo cilmi baadhistiisu muddo bilo ah ka socotay goboladda dalka oo dhan ayaa maanta la gudoon siiyay bilad sharafyadii dadkii lagu soo xulay qiimayntii la sameeyay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ahaa xubnihii Barnaamijkan “Qiimee Qofkaaga” bilad sharafyada lagu gudoon siiyay ayaa la sheegay inuu ku mutaystay siyaasad wanaaga iyo hoggaamin hufan oo uu muujiyay mudadii uu xafiiska madaxtinimadda Somaliland joogay.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Rashiid Sulub Caalin oo lahaa curinta, agaasinka iyo isku dubo-ridka barnaamijkan, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq aad iyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Rashiid Sulub Caalin ooh awl aad iyo aad qiimo iyo qaayo leh ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray iyo dadkeeda qiimaha leh iyo hal-doorka ee maanta barnaamijkan isku soo dubo riday ee ka fikiray ee soo sameeyay, waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo.”


Madaxweyne Axmed Siilanayo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan iyagana halkan hambalyo uga soo jeedinayaa dadka qiimaha leh ee wax ka gaystay Somaliland magaceeda iyo taariikheedda ee xafladan lagu soo magacaabay ee sharafta ku mutaystay. Waxay ila tahay qara walba shacbigiisa iyo dadkiisa haddii aanu qiimayn ummad noqon maayo, ummad waxay ku noqdaan oo taariikhda ku galaan oo dal lagu noqdaa qiimaynta ummadiisa, dadkiisa iyo shacbigiisa.”

“Waxa kale oo mar walba la baahan yahay inaynu maskaxda ku hayno haddii qaranimadeenna, wada jirkeena iyo midnimadeena, ilaalinta nabad-gelyadeena iyo wada jirkeena ilaalino oo dalkeenu noqdo mid aynu ku faano qaranimadeena iyo xoriyad doonkiisa oo aynaan xumaantiisa uun aynaan raadin oo aanay saxaafaddeenu had iyo jeer xoriyad madax banaan ayay haysataaye’. Markaa waa inay wixii dalkooda dhisaya ee qiimo u yeelaya ay ku shaqeeyaan oo baahiyaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxa kale oo halkaasi lagu gudoon siiyay illaa boqol xubnood oo la sheegay inay abaal-marinta Barnaamijkan ku guulaysteen.
waxaanun halkan akhristeyaashayadda ugu soo gudbinaynaa liiska Boqolkii Qof ee lagu maamuusay dhinaca waxqabadka waana sidan:-

Magacyada Qaybta
Sh Muxamed Sh Cumar Dirir Faafinta Diinta Islaamka
Sh Mustafe X. Ismaciil Haaruun Faafinta Diinta Islaamka
Sh Cabdillahi Sh Cali Jawhar Faafinta Diinta Islaamka
Sh Maxamed Aden Muxumed Faafinta Diinta Islaamka

Maxamed Xaashi Cilmi Horumarinta Dhaqaalaha
Cabdiraxman Ducaale Daamir Horumarinta Dhaqaalaha

Sh Aden Maxamuud Xiiray (Sh Aden Siiro) Samafalka
Faadumo Alin Nour Samafalka
Faadumo Siciid Ibraahim Samafalka
Axmed Daahir Cumar (Baxsane) Samafalka
Siciid Awcabdi Axmed Samafalka

Adna Aden Ismaciil Caafimaadka
Maxamed Cabdi Gaboose Caafimaadka
Dr Axmed Aden Buuxane Caafimaadka
Amina Xasan Kurtin Caafimaadka

Xasan yoonis Habane Dhismaha Ciidanka
Maxamed Saqadhi Dubad Dhismaha Ciidanka
Nuux Ismaaciil Taani Dhismaha Ciidanka

Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi Cirro Maamul Wanaaga
Dr.Sacad Cali Shire Maamul Wanaaga

Axmed Yuusuf Dirir Horumarinta Kaabayaash Dhaqaalaha
Eng. Cali Maxamed Xoor xoor Horumarinta Kaabayaash Dhaqaalaha

Shugri Xaaji Ismaciil Baandare Illaalinta iyo horumarinta Deegaanka
Ismaciil Jaamac Jibriil Illaalinta iyo horumarinta Deegaanka
Maxamed Cige Killeh Illaalinta iyo horumarinta Deegaanka

Luul Xasan Mataan Daryeelka Carruurta
Hibo Aden Diiriye (Samawada) Daryeelka Carruurta

Salebaan Ismaciil Bulaale (Salebaan Xuquuq) Xuquuqul Insaanka
Raaqiya Cabilahi Omaar Xuquuqul Insaanka

Axmed Cisman Geelle Maalgashiga Dalka
Maxamed Awsiciid Geedi Maalgashiga Dalka
Cumar Caydiid Axmed Maalgashiga Dalka

Maxamuud Cabdi Shide (Tuur) Horumarinta Saxaafada
Faysal Maxamed Cabdi (Faysal fadhfadhle) Horumarinta Saxaafada
Faysal Cali Sh Maxamed Horumarinta Saxaafada
Xasan Siciid Yuusuf Horumarinta Saxaafada
Farxaan Xaaji Cali Axmed Horumarinta Saxaafada

Cabdilahi Muuse Qaalib Kor uqaadida Waxbarashada
Pro.Saleban Axmed Guuleed Kor uqaadida Waxbarashada
Mahad Ibrahim Maxamed Kor uqaadida Waxbarashada
Samsam Cabdi Aden Kor uqaadida Waxbarashada

Sh Ibraahim Sh Yuusuf Sh Madar Nabadaynta Dalka
Cabdiraxman Faarax Awcali Nabadaynta Dalka
Cabdilahi Ibraahim Habane Nabadaynta Dalka
Sh Muuse Jaamac Goodaad Nabadaynta Dalka
Garaad Cabdiqani Garaad Jamaac Nabadaynta Dalka
Cisman Cali Bille Nabadaynta Dalka
Nuur Sugaal Geelle Nabadaynta Dalka
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir Nabadaynta Dalka
Suldaan Saxardiid Suldan Diiriye Nabadaynta Dalka
Suldaan Cabdiraxman Jaamac (Dhawal) Nabadaynta Dalka
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Nabadaynta Dalka
Suldaan Xasan Khaliif Cashuur (Daakir) Nabadaynta Dalka
Xaaji Cabdi Waraabe Nabadaynta Dalka
Jamaal Cali Xuseen Naftiisa Horumariyay
Barkhad Jaamac Xirsi Naftiisa Horumariyay

Xasan Maxamed Cabdilahi (Xasan Waraabe Cadde) Horumarinta Ciyaaraha
Siciid Mire Sh Yoonis Horumarinta Ciyaaraha

Cali Maxamed Warancadde Horumarinta Bulshada
Maxamuud Xaashi Cabdi Horumarinta Bulshada

Ibrahim Cabdi Kaahin (Ibrahim Dheere) Horumarinta Ganacsiga
Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) Horumarinta Ganacsiga
Cabdi Cawad Cali (Indho-deero) Horumarinta Ganacsiga

Abwaan. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) Kor uqaadista Suugaanta
Abwaan. Maxmed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Kor uqaadista Suugaanta
Cabdi Aden Xaad (Cabdiqays) Kor uqaadista Suugaanta

Cawl Cilmi Cabdalle Bilicda Magaalooyinka
Cabdalle Maxamed Cali(Cabdalle Sandheere) Bilicda Magaalooyinka
Ismaciil Xaaji Nuur Bilicda Magaalooyinka
Cabdiraxman Shide Bille Bilicda Magaalooyinka

Pro.Xasan Cali Cismaan (Asarda) Dhismaha Wadooyinka
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir Dhismaha Wadooyinka
Khadra Xaaji Ismaciil (Xaaji Gaydh) Dhismaha Wadooyinka
Maxamuud Axmed Xasan (Dhagalaab) Dhismaha Wadooyinka
Xildhibaan Maxamed Diiriye Nacnac Dhismaha Wadooyinka

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Dhismaha Qaranimada Somaliland

Daahir Rayaale Kaahin Hirgalinta Nidaamka Xisbiyada badan

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Siyaasad Wanaaga
Cabdiraxman Axmed Cali (Cabdiraman Tuur) Siyaasad Wanaaga
Xasan Ciise Jaamac Siyaasad Wanaaga
Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) Siyaasad Wanaaga

Muuse Biixi Cabdi Hawl Karnimo
Fuad Aden Cadde Hawl Karnimo
Xirsi Cali Xaaji Xasan Hawl Karnimo
Xildhibaan Baar Siciid Faarax Hawl Karnimo
Ugaaso Xasan Axmed Hawl Karnimo

Faysal Cali Waraabe Wadaniyada
Cabdirashid Cisman Jamac (Wadani) Wadaniyada

Axmed Xaaji Cali Cadami Doorashooyinka Dalka

Boobe yuusuf Ducaale Horumarinta Qoraalka
Jaamac Muuse Jaamac Horumarinta Qoraalka

Kamaal Daahir Cashuur Xuquuqda Dadka Lahayb sooco

Cabdikariim Maxamed Iid Isgaadhsiinta
Maxamed Xasan Xawaadle Isgaadhsiinta

Cabdilahi Ismaciil Cali (Cabdilahi Cirro) Amniga
Xuseen Xasan Guuleed (Xuseen Kenyati) Amniga
Cabdiraxman Maxamed Nuur Naftiisa Dhisay
Maxamed Xasan Nuur (shaqadoon) Shaqo Abuurka
Eng:Axmed Abokor Maxamed (SYG) Shaqo Abuurka

Khadar Mooge Mursal Isdhexgalka Bulshada
Maxamed Ibraahim Yaasiin Horumarinta Bulshada

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com