Hargeysa:Tababar Ku Saabsan Ka qeyb galka mashaariicda Horumarinta Oo u Furmay Maayarrada dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdi-samad Cumar Maal oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta, C/Rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa maanta kulan haw-leed ku saabsan wac-gelinta dadweynaha ee ka qayb-galka mashiiriicda horumarineed ee degmooyinka uga furay maayarrada degmooyinka gobolada dalka Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee wasaarada arimaha Gudaha Cabdi-samad Cumar Maal, oo ugu horayn kulan-howleedka ka hadlay ,ayaa waxa uu sheegay,in todobada degmo ee ay ka socdaan mashaariicda G.P.L.G. ay ujeedada mashruucaasi loo abuuray tahay, in ay dawladaha hoose ay fulin karaan qorshayaal horumarineed oo ka qayb qaata koboca dhaqaalaha iyo Nabad-gelyada dadka degaamada ay maamulaan.waxaanuu intaa raaciyey in ujeedada mashruucu aanay ahayn oo keliya mid ku kooban in maamulka degmooyinka la tababaro oo keliya, balse uu gaadhsiisan yahay, in ay dadweynuhuna soo bandhigi karaan baahiyaha adeegyada ay u baahan yihiin,si ay uga qayb qaataan marka la samaynayo Balaanka iyo qorshaha Dawladaha hoose, taasi oo u sah-laysa bulshada inay fah-maan amaba ay garan karaan waxa sanadkan ay dawladda hoose qabanayso.Waxaanu agaasimihu sheegay in Kulani uu yahay mid qorshahaasi aan soo sheegnay salka ku haya sidii qorshe iyo mac-luumaad loo dhan yahay aynu isula qaadano.

Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta C/rashiid jibriil yuusuf, oo isna halkaasi ka hadlay ayaawaxa uu sharax ka bixiyey faa’iidada uu mashruuca G.P.L.G ugu fadhiyo dawladaha hoose ,waxaanuu intaaraaciyey in wasaarad warfaafin ahaan door-kooda ay ku yeelan karaan ay tahay inaanu gaadhsiino, una baahino dadweynaha inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan mashruucan.

Somaliland.Org/Hargeysa