Badhasaabka Cusub Ee Sool Oo Shir La Yeeshay Laamaha Dawlada Gobolka

Laascaanood (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan, ayaa manta kulan xogwareysi ah xafiiskiisa kula yeeshay hay’adaha kala duwan ee maamulka Gobolka.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahayeen isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banana ee Gobolka Sool ayaa is barasho kabacdi isu duwayaashu waxay soo gudbiyeen warbixino kooban oo ku saabsan marxalada ay marayaan xafiisyadoodu iyo adegyada ay u hayaan bulshada oo ay soo raacdo baahiyaha ka jira xafiisyada iyo xarumaha gobolka Sool guud ahaan.

Gudoomiyaha Gobolku waxuu ka dalbaday maamulka iyo isuduwayaasha heer Gobol inay dardargeliyaan hawlaha ay u xilsaaran yihiin waxana uu ka codsaday in lagu hawlgalo daacadnimo iyo wadajir.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey dhinaca ammaanka ayaa sheegay in meel looga soo wada jeesto adkaynta nabadgelyada maadaama hadii aanay nabadgelyo jirin aanay nololi jiraynin, gobolka soolna uu hadda yahay ka ugu dambeeya gobolada dalka dhinaca adeegyada bulshaa iyo horumarka bulshada. Loona baahan yahay in laga shaqeeyo kor u soo qaadista nolosha dadka gobolka.

Ugu dambayntiina Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa uu guud ahaan bulshada Gobolka Sool uga mahadceliyey soo dhoweyntii balaadhnayd ee loo sameeyey.

Somaliland.Org/Hargeysa