Wasiirka Warfaafinta Oo Horumarka Wasaaradda Oo Ka Hor-Jeediyay Golaha Guurtidda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa mudaneyaashu waxay warbixin ku saabsan wasaaradiisa ka dhegaysteen Wasiirka wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigelinta.

Wasiirku mar uu ka hadlaayey baaxadda idaacada cusub ee imika laga dhagaysto guud ahaan Somaliland iyo wadamo kaleba ayaa waxa uu yidhi “Sidii loo lahaa idaacad keena ayaanu keenay tii ugu waynayd, waana idaacad ka gudbaysa wadamo badan oo Afirka ah. Imika waxaynu isticmaalaa oo kaliya 75.Kw, Idaacaddan cusub ee imika qaranka u shaqaysaa sidaa ogtihiin waa idaacad aad u wayn waana 100.Kw (Boqol kiiloo waad), maalin walba shidaalka ay isticmaasho wasaaraddu waa 450-litir oo shidaal ah, kaas oo ku baxa mishiinada idaacadda Tv-ga iyo shaqada kale ee wasaaraddu qaranka u hayso.”

Wasiirku waxuu Golaha warbixinka siiyey waxqabadka wasaaradda warfaafinta iyo mas’uuliyadda ay u xilsaaran yihiin waaxyaheeda kala duwan, waxana wasiirku sheegay in ay u xilsaaran tahay gudbinta iyo baahinta wararka dawladda iyo warbixinaha kala duwan, isagoo sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey idaacadda cusub ee dhowaan hawada gashay iyo meelaha ay gaadho ee laga dhegaysan karo, taasoo gobolada iyo degmooyinka dalka gaadhsiiyey wararkii dawladda iyo weliba qurbojooga ku sugan dalalka Gobolka.

Dhanka kalena wasiirku waxa uu sheegay in TV-ga Qaranku ka haqab tiray dadweynaha dalka dibadiisa ku nool wararka iyo xaaladaha horumarineed ee dalka ka socda iyadoo xarumo uu leeyahayna laga furay dalal badan oo dunida ah.

Wasiirka oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md cabdirashiid jibriil Yuuusf iyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda ayaa agaasimaha guud waxa uu ka jawaabay su’aalo ay mudanaaayshu ku weydiiyeen, tafaasiilna ka bixiyey barnaamijyada kala duwan ee ka baxa Idaacadda radio hargaysa iyo TV-ga qaranka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com