Wasiirka Caafimaadka Oo Soo Gabo-gabeeyay Tababar Ku saabsan ka faa’iidaysiga Talaalka Jooniska

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Xuseen Muxumud Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa maanta soo gebagebeeyay tababar muddo sideed maalmood ah uga socday Hawlwadeeno caafimaad Hotel Maansoor ee Hargaysa.

Aqoon is weydaarsi ku saabsan ka fa’iidaysiga talaalka cusub ee Cudurka Jooniska ayna ka qayb qaadanayeen hawlwadeeno ka kala socday Somaliland iyo dalka aynu deriska nahay ee somalia ayaa waxaa kaloo lagaga hadlay dhibaatooyinka caafimaad ee la xidhiidha cudurada dilaaga ah sida Xiiq dheerta, teetanada iyo jadeecada.

Munaasabadda lagu soo xidhayey aqoon is weydaarsigaasi ayaa waxaa ka hadashay madaxa WHO ee Somaliland marwo Aasiya Cismaan oo ballanqaaday inay hay’ad ahaan wasaaradda caafimaadka la dhinac istaagayaan barnaamijyada taageerada ee lagama maarmaanka uah habsami u socodsiinta adeega caafimaad ee ay wasaaraddu u xilsaaran tahay.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Md Xuseen Muxumud Maxamuud (X Xoog) ayaa isna dhankiisa u jeediyey ka soo qayb galayaashii kulankaa hadalo dardaaran ah oo ku aaddan sidii ay ugu diyaargaroobi lahayeen cidhibtirka lala damacsan yahay cudurka jooniska iyadoo loo marayo dariiqa talaalkiisa.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com