Wasiirka Beeraha Iyo Deeqbixiyayaal Booqday Hawsha Ka Socota Jidka Xeego Ilaa Boorama

Boorame (Somaliland.Org)-Wasiirka Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyaan deeq bixiyayaal caalamiya oo ka socday Midawga Yurub iyo hayada FAO ayaa soo booqday halka ay marayso hawsha jidka isku xidha xeego iyo Boorama.

Ujeedada Wafdigan ay u soo booqdeen Boorama ayaa waxa ay ahayd in deeq bixiyayaasha indhaha loo soo saaro meesha ay gashay lacagtii ay jidkan ku yabooheen, waxana ay soo arkeen hawsha meeshaasi ka socota oo ah mid aad u xoogan una dhib badan oo ay dadka degaanku gacmaha ku jarayaan jidkaasi buuraha ah si ay u baneeyaan halkaasi jidna ugu helaan beeraha tirade badan ee uu qaniga ku yahay degaankaasi ee halkaasi ku go’doonsan.

Wasiirka Beeraha Mud. Faarax Cilmi Geedoole oo halkaasi ka hadalay ayaa u mahad naqay deeq bixiyayaasha iyo dadka degaanka waxana uu xusay in hawsha halkan ka socotaa ay tahay mid aad u balaadhan waxana uu yidhi “ Waa wax lagu farxo in la arko dadka degaanka ooh awl qabsanaya, waana guul ay maanta indhaha soo saaree deeq bixiyaasha ila socda oo arkay meesha ay gashay lacagtoodu, waxa aan leeyahay jidkani waa mid muhiim ah oo halbowle ah oo u baahan in la sii taageero si loo baneeyo, loona sahlo iku socodka oo wax badan ka taraya in beeraha degaankani ay helaan wado sahlan oo laga soo iib geeyo dalagooda, waan u mahadnaqayaa mar kale deeq bixiyaasha waxaanan u sheegayaa in wali loo baahan yahay deeqdiina si wadooyinka gobolka oo dhan hormar looga gaadho”.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo iyagu halbawle u ah hawlaha halkaasi ka socda ayaa ka hadlay madashaasi waxana ay u mahad naqeen deeq bixiyayaasha, waxana ay sheegeen in wali loo baahan yahay kaalmadooda si guul looga gaadho wadadan iyo wadooyinka kale ee gobolka ee gabi ahaanba ah kuwa rafka ah, waxana ay yidhaaheen “ Wadadan aadka u adage e aad arkaysaan waxa aan isku soo qaadnay markii aan aragnay inay go’doon ku yihiin degaankan beero badan oo qani ah, waxa aan ku bilawnay iskaashiga dadka, waxana aan ku faraxsanahay in deeq naga soo gaadho FAO, oo noqotay hayad na soo gaarsiisay deeq wax ku ool ah, waxana naga go’an inaan u guntano sidii aan jidkan u banyan lahayn gabi aahaantiiba.

Si kastaba ha ahaatee in goobtan ay soo booqdaan deeq bixiyaashu isla markaana arkaan lacagtoodu meeshii ay gashay waxa ay ahayd mid lagu guulaystay, waxase aan meesha ka maqnayn in ilaa hada xadiga deeqaha ah ee ka yimaada deeq bixiyaasha ay aad u yar tahay marka la barbar dhigo hawsha meesha taala iyo sida ay dadka degaanku ugu hawlan yihiin gudashada waajib shaqo oo lagu tilmaami kao midka ugu adage e dhica jidadka ah.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame