“Waanu Daboolay Baahidii Daabacaadeed ee Dukumantiga Dawladda”

Hargaysa (Dawan):-Maareeyaha madbacadda Qaranka Somaliland Mudane C/llaahi Maxamed Jaamc (Caray) ayaa sheegay in madbacadda Qaranku ku filan tahay daabacadda kala duwan ee xogta Qaranka.

Maareeyuhu, waxaa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanauu tilmaamay in hawlo fara badan ay u qabsoomeen madbacadda Qaranka muddadii uu xilkeeda hayey isla markaana ay dabooshay dhammaan wixii baahi ahaa ee dawladda ee dhinaca daabacadda.

Mudane Cabdilaahi Caray ayaa mahad-naq ballaadhan u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu dhammaan hay’adaha dawladda ku amray in ay wixii daabacad ah u adeegsadaan madbacadda Qaranka.

waxaa kale oo uu sheegay maareeyuhu in dhinacooda ay bilaabeen shaqo joogto ah habeen iyo maalinta, iyagoo ka duulaya hadalka Madaxweynaha ee hay’adaha dawladda lagu amray wax ka daabacashada Madbacadda, waxaana uu intaasi ku daray hadda in aysan jirin wax cabasho xagga daabacadda ah, adeegeeduna deeqay dhammaan deegaannada Somaliland.

waxa kale oo uu maareeyuhu sheegay in Madbacaddahormarin lagu sameeyey waxna laga baddelay qalabkii horay u shaqaynayey, iyadoo la hawl-galiyey mashiinno cusub.

Ugu dambayntiina waxaa uu u mahad-celiyey shaqaalaha Madbacadda oo uu sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo lixaadleh.

Somaliland.Org/Hargeysa