Nimankan UDUB Ucida ah waxaan leeyahay Dalka horaad u dumiseene dalka dhisa

Marka Hore salaan wacan, salaan ka dib nimanyahoow waxaan la yaabay Raggan Shalay UDUB ahaa ee Dalka Dibaddiisa ka nac-nac leeya ee Maantana Ucid gallay, adeer xukuumaddii hore ee dulmiga badan lahayd ayaad ka mid ahaydeen oo maalin keliya kamaynaan hadal maanta maxaad odhan doontaan .

Waxaan halkan anigoo ahaa Wariyihii khaaska ahaa ee Ismaaciil Adan Cismaan ee Warbaahinta madaxa banaan iyo ta dawliga ahba, wakhtigaasi oo aan wariye ka ahaa websitekii ugu horeeyay somaliland ee magiciisu ahaa Somalilandnet.

Shakhsiyadda ismaaciil Adan Cismaan waxaan anigu ku aqaanaa nin daacad ah oo weliba Sir leh, markii uu ka tagay ama xilka wasiirnimo laga qaaday munaasibaddii xil wareejinta waxa uu yidhi “Anigu sirta qaranka ee aan hayo lagama yaabo inaan sheego.”

Markaa maantana guul ayaan anigu u arkaa ku soo biiritaankiisa Kulmiye oo aan ogahay inuu wax badan u qaban karo maaha nin qabiili ah.

Tareenkii Kulmiye wuu dhaqaaqee kuwan Udub-Ucidka ah waxaan leeyahay Madaar ha ku meeraysanninee maxaad uga warrami waydeen markii Xukuumaddii Hore Wasiiro illaa shaqaale ee shaqada uga eryaysay Waa Beesha Siilaanyo, miyaynaan markaa dalka joogin ee deegaankii Siilaanyo Dugsiyo iyo wax kasta ay ku waayeen.

Mujaahid Siilaanyo Gudoomiyaha Kulmiye ardaagiisa weeyaane lagu cadaadinayay anagaa markhaati ah, maanta dalka oo dhan siilaanyo Madaxweyne ayuu u yahay cida madaarka qandaraaska qaadatayna xaq ayay u leeyihiin waayo shalay shaqo iyo wax loo qabta shakhsi ahaan daayoo UDUB-tiii daalimiinta ahayd Madaxweynahoogu daacad ayuu ahaa Rayaale iyo ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf-ba, maxaase ka hoos socday waxani iyo Waa reer Gabiley waa Kulmiye caydhiya iyo kaasi waa Alshabaab siyaasad ka dhigayay.

Markaa nimanyahow xibiga Waddani ku daydoo wax dadka u cuntama keena, aniga mana guulwadeeyo kabaqaadna ma ihi. waa lay yaqaanaa laakiin Runta lagama gabado.

Qalinkii Mohamed mussa inji

Hargeysa