Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa Shir La Yeeshay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.Org)- Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaa caawa kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay ka wada hadleen sida la sheegay qodobo la xidhiidha sidii loo ilaalin lahaa midnimadda iyo khilaaf la’aanta xisbiga KULMIYE.

Kulankan oo siday shabakadda Somaliland.Org u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ahi socday muddo dhawr saacadood ah, waxa la sheegay in Hoggaanka xisbiga KULMIYE ay shirkaasi uga qeyb galeen Guddoomiyaha KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee sadexaad ee xisbigaasi Mudane C/Raxmaan Maxamed Talyanle.

Waxa dhinaca xukuumadda Madaxweynaha wehelinayay Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Arrimaha dibadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Warku waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo Hoggaanka xisbiga tallada haya ee KULMIYE ay ka wada hadleen qodobo badan oo la xidhiidha hawlaha xisbiga gaar ahaan shirweynaha lagu wado in xisbigaasi yeesho Bisha March.


Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay shirkan, hase yeeshee waxa la sheegay in dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta KULMIYE ay isku afgarteen isla markaana kuheshiiyeen in si wada jir ah looga shaqeeyo danaha iyo isku duubnaanta KULMIYE iyo xukuumadiisa.

Somaliland.Org/Hargeysa