Madax-dhaqameed Daadifeeyay Shir Beeleed Lagu Qabanayo Baligubadle

Hargeysa (Somaliland.Org)- Qaar ka mid ah Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Koonfurta Hargeysa iyo Gobolka Hawd, ayaa caawa Gaashaanka ku dhuftay shir la sheegay in Beesha Arab ku qabsanayso Magaaladda Bali-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, kaas oo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan in wax shirbeeleed ah lagu qabto deegaankoodaas.

Madaxdhaqmeedka iyo Waxgaradka beesha Koonfurta iyo Gobolka Hawd ayaa sidoo kale taageero u muujiyey xukuumada talada haysa ee Kulmiye, kuwaas oo uu hogaaminayey Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo isaga gurigiisa uu caawa ka qabsoomay Shirka Jaraa’iday ee ay beeshu ku daadafaysay Shir beeleedka la sheegay in laga qabanqaabinayo dalka oo uu tilmaamay inay dabada ka riixayaan qurbo joogta beeshaas.

Waxa ugu horrayn madashaasi ka hadlay oday Maxamuud Aadan Gaas oo sheegay inaanay sinaba beeshoodu u aqbali doonin nabadgelyodarro ka dhacda deegaamada beesha iyo deegaamada kale oo Somaliland, waxaanu yidhi “Anaga oo ah afar jilib oo ka mid ah beelweynta Arab waxaanu garwaaqsanay inaanu si guud u ilaalino nabadda iyo deganaanshaha guud ee Somaliland iyo ka deegaamada ay beeshu degtoba, sidoo kale waxanu aaminsanahay ina la qiimeeyo oo la dhawro qiimaha iyo xeerinta madaxda dalka lana maamuuso”.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay oday Cabdi Cilmi Dixood, waxana uu ku dheeraaday sida ay beeshoodu diyaarka ugu tahay inay sida beelaha kale ee reer Somaliland-ba qaybteeda uga qaadato dhismaha iyo horumarinta danta guud, isagoo sidoo kalena sheegay inaanay beelaha goobta fadhiyaa waxba kala socon shir beeleed laga qabanqaabinayo deegaanka Balligubadle, waxana uu yidhi “Annagu nabaddaanu ka hadlaynaa cidna waxba uma dhimayno, dawladduna taas hanaga guddoonto hanaguna ogaato inaanaan ballaayo iyo shiddotoona wadan, wanaaga iyo nabadda ka jirta Somaliland waa lawad ogyahay wixii beeshayada kaga baxay halgankii dalkana waad ogaydeen qaybtayadii, shirka la leeyahay waxa laga qaban qaabinayaa Balligubadle annagu waxba kama ogine cidda wadaa cagta ha u dhigto oo yaanay wax iskaga dhawaaqin”.

Sidoo kale Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo isagu soo gunaanaday shirkaasi jaraa’id ayaa halkaa hadal qiimo leh ka soo jeediyey, kaas oo ku dheeraaday qiimaha ay nabaddu u leedahay guud ahaanba noolaha gaar ahaan shacabka reer Somaliland, isagoo shirka la sheegay in Balligubadle laga qaban qaabinayana baaq u diray, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxay ka hadleen Cuqaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha Arab ee halkan iskugu timid waxay ka hadleen dareenkooda oo cad, kaas oo ay in muddo ah go’aanka ay ka qaadanayaan ay muddo ka shirayeen, aniguna dareenkooda waan la qabaa oo waan ku taageersanahay. Mida kale Shirka la sheegayo in lagu qabanayo Bali-gubadle sida loo wado iyo halka loo wadaa waa wax aan cidna waxba ku seeganayn, waxaanan leeyahay dadka shirkaas wada ceeb mooyaane anfac idin tari maayo, waxaanan ugu baaqayaa dadkaasi inay ka waantoobaan shir beeleedkaas la sheegayo. Aniga lacagta shirkaas ayaa la igu yidhi ha lagugu soo shubo,waxaan ku idhi lacag fidmo ahi aniga la igu soo hagaajin maayo, kuwa u baahan ee aad ku muusanaabaysaana dhaawaca iyo kuwa waxbarashada ku jira u soo dira ayaan leeyahay idinkana Sadaqo ha idiin noqotee”.

Suldaan Barre oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan mar labaad leeyahay dadka wada shirkaas oo aanu Arab u dhamayn ee lacagtiisa Dibada laga soo dirayo joojiya oo ka waantooba haddii ay joojin waayaana ceeb mooyaane anfac ka heli maayaan, qurbo joogtaasna waxaan leeyahay oo aan horena u idhi waxaad soo diraysaana dadkiina baahan iyo waxbarashada iyo caafimadka u soo dira wax ha lagaga qabtee oo idinkana sadaqo ha idiin noqoto”.

Suldaan Barre mar uu ka hadlayey Shirka Soomaalida uga furmaya dhawaan London, waxa uu yidhi “Shirka Soomaalida ee la leeyahay Somaliland iyo Somalia ayaa shirar iskugu imanaya oo loo qabanayaa oo meelaa la iskugu keenayaa, waxaan odhan lahaa shirkaasi maaha mid ina anfaca ee aynu ka baaqsano, hadii laga tagi waayo mid laga tashaday oo axsaabta iyo waxgaradka dalku ay ka tashadeen ha noqdo oo yaan si fudud loo tagin ayaan leeyahay. Madaxbanaanida Somaliland waa Muqadas oo marbay go’aan gaadhay oo mar labaad waa maya oo waxaan leeyahay Ilaahayow halka aanu ka soo baxnay ee Somalia ha nagu celinin”.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com