Maamulkii XAQSOOR Ee Saaxil iyo Xubno ka mid ah Murashaxiintiisii Berbera Oo Ku Biiray KULMIYE

Berbera (Somaliland.Org): Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Md Maxamed Axmed Garaad, ayaa maanta magaalada Berbera kaga qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu soo dhawaynayay masuuliyiin ka tirsanaa ururkii hadhay ee Xaqsoor, kuna soo biiray xisbiga Kulmiye.

Munaasibadaasi oo ka dhacaday hotel Maaasoor ee magaalada Berbera, waxa ka qayb galay Gudoomiyaha goolka Saaxil, Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer), Maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor), masuuliyiinta laamaha dowlada gobolka Saaxil, Gudoomiyaha ururka Xaqsoor ee gobolka Saaxil iyo xubno ka mida murashaxiintii ururkaasi ugu tartamay doorashadii golayaasha degaanka iyo taageerayaashoodii ee ku biiray xisbiga Kulmiye.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Md Maxamed Axmed Barre Garaad, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo taageerayaasha ururka siyaasadeedka Xaqsoor ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in talaabadaasi ay at guushaasi dimoqraadiyada ah isku biiritaanka inay xaqsoor sabab u tahay.

Md Maxamed Axmed Garaad, ayaa ku tilmaamay gudoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise yahay mujaahid wadanka u soo halgamay dhismaha dalkana qayb wayn ka soo qaatay. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “guushaasi balaadhan aynu gaadhnay ururka xaqsoorn waa ka mid, waxaan idiin sheegayaa Muj. Xasan Ciise inuu yahay mujaahid wadankan u soo halgamay waxna ka soo dhisay wadanka aanu marnaba jeclaysanayn inuu burburo wadanku taasina waxay kutusinaysaa bisaylka siyaasadeed ee Muj. Xasan Ciise”.

Gudoomiayah goolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo isna munaasibaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta ururka Xaqsoor ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “dhamaan murashaxiintii ururka Xaqsoor oo uu gudoomiyahoodu ugu horeeyo waxaan lee yahay xisbiga Kulmiye waa laydinku soo dhawaynayaa waad ka mid tihiin halgan kiisa ayaad horayba uga qayb qaadateen”.

Musuuliyiintii kala duwanaa ee ururka siyaasadeedka Xaqsoor iyo musharixiintii ururkaasi uga sharaxnaa doorashadii goloyaasha degaanka degmada Berbera ayaa sheegay inay iyagu doorteen inay ku biiraan xisbiga Kulmiye isla markaana ku faraxsn yihiin.

Dhamaanba Masuuliyiintii kala duwanaa ee munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo taageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor, isku biiritaanka Kulmiye iyo Xaqsoor ku tilmaamay guul wadanka u soo hoyatay guud ahaan gaar ahaan Xisbiga Kulmiye.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com